Ayax ku habsaday dhul beereedka Shabeelaha hoose oo dalagyadii baabi’iyey.

Marka:- Ayax fara badan oo gaaray gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku habsaday dhu beereedka ku yaalla gobolkaas, gaar ahaan degmada Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga.

Ayaxa ayaa baabi’iyay dalagyada sanadkan la beeray Galeyda, Digirta, Sisinta iyo dalagyada kale ee ka baxa beeraha, wuxuuna sidoo kale baabi’iyey daaqsinkii xoolaha, taas oo ay ka dhalan karto dhibaatooyin cunna yari.

Malaaq C/llaahi Suleymaan Cumar oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in iyadoo ay ku dhibanyihiin fatahaada webiga shabeelle uu ka geystay deegaanka iyo cudurada ka dhasha, hadda ugu darsantay Ayaxa oo xaalufiyay dalagyadii ay beerteen.

Malaaq C/llaahi ayaa dowladda federaalka,maamulka Koofur galbeed iyo Hay’adaha samafalka ka codsaday in laga soo gaaro dadka ku nool Wanlaweyn iyo tuulooyinka hoostaga oo uu sheegay in beerihii ay tacbadeen qaarna fatahaada webiga ay goysay kuwa kalena Ayaxu xaalufiyay.

Ayaxa ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay wuxuu soo gaaray gobolka gobollada Mudug, Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe, waxaana maalmo ka hor gaaray dhul beereedka Degmada Wanlawayn ee Shabeellaha dhexe oo horay dhibaato uga soo gaartay fatahaadda wabiga Shabeelle.