Xildhibaannada Baarlamanka Puntland oo la fasaxay mudda 3-maalmood ah.

Guddoonka Baarlamanka, ayaa xildhibaannada ku wargeliyay, in ay fasax yihiin mudda saddex maalmood ah laga bilaabo Khamiistii shalay, islamarkaana ay dib isugu soo laabtaan maalinta Isniinta ah ee todobaadka soo socda.

Mudane ka tirsan Baarlamanka, oo si kooban ula hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in Xildhibaannada loo fasaxay, si ay wakhti ku filan ugu helaan akhrinta Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo dhowaan loo gudbiyay, ka hor inta aysan ansixin Xeerka.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland, oo horyaalla Golaha Baarlamanka, ayaa la filaya in Xildhibaannadu dood ka yeeshaan Isniinta soo socota, kadib markii soo akhriyaan saddexda maalmood oo fasaxa la geliyay.