Maxaa ka wanaagsan Adiga oo Xil doon ah, in aad tagto Jowhar oo Caqligii ka damay!!!.=Nasashada Jimcaha. Q-225=

1-Wadaad Suufi ahaa ayaa isaga oo u socdo Salaad Subax waxa uu la kulmay, koox Tuuga ah oo Bakhaar ey jabsanayeen Albaabkii u furmi waayay, waxa ey ku yiraahdeen kaalay Gacan na sii, Bakhaar Annagu aan leenahay ayaa naga xirmaye. Muddo markii uu la riixayay ayuu u furmay. Markaa ayuu ku yiri: Jamaacadii Salaada Hal Rakco ayaad i dhaafiseen ee Maca Salaama.( F.S: 1aad)
( Wadaadkii 3 Sanno ayaa lagu xakumay Qodobka Tuuga kalkaal. Ka fiirso Kooxda Siyaasadeed ee aad taageere u tahay).
2-Nin Reer Gaalkacyo ahaa ayaa markii Salaadda laga baxay lagu yiri: Noo duceey, markaa ayuu yiri: Xaaladdaan aan ku jirno Alla ha naga Bixiyo, wadanku Shaqa male, dhalintuna waa shiiday, Shahaadaduna Macna male, Ninwaliba Ninkiisii ayuu Nooleeystay. Imaamkii ayaa markii uu halkaa marayo ku yiri: Naga jooji. Dadkii oo la yaaban Sababta Imaamku uu Ducada uga joojiyay. ayuu imaamkii yiri: Naga Jooji, Taasi waa Heestii Sharma Booy. Reer Gaalkacyoodkii ayaa yiri: Imaam ileyn Adiguna heesaha waad dhageeysataa.
( …………………)
3-koo Ciyaalka xaafadda ah ayaa lagu yiri: Caawa faraxad aad u weyn ayaa kaa muuqato ee maxaad ku faraxsan tahay? waxa uu yiri: Maxaa ka wanaagsan, Nalakii ayaa damay Aniga oo Gabadhii aan jeclaa la joogo Gurigooda. ( F.S: 2aad)
(Maxaa ka wanaagsan Adiga oo Xil doon ah, in aad tagto Jowhar oo Caqligii ka damay).
4-koo isaga oo weyn Baadiyo laga keenay oo Guriga Adeerkii oo Wasiir ah oo Xaafadda degan la joogo, ayaa Ciyaalka Xaafadda ku wareeriyay, ilma Adeera yaaloow, waan kululaaday, Lacagna waan heeystaa ee Gabar i bara. Maxamed deeyoo oo ahaa Xoghaya guud ee Ciyaalka Xaafadda ayaa Baray “Caasho Amaan i sii” oo aheyd Gabadha ugu Dagaalka badan Gabdhaha Xaafadda. Laba Maalin kadib kiiyoo wajiga la Cijeestay, Faruutna ka baran ,oo caay iyo inkaar la taagan kal fhaiga ciyaalka xaafadda ma ragteen. ( F.S: 3aad)
( Dhar magaalo si lagu qaato waa fududahay, laakin Dhal magaalo si lagu noqdo ma fududo).
5- Ganacsade Xaaji Cumar ayaa Xaaskiisa Xajka geeyay, kuna yiri: Xaajiyo Seynab. Maanta waxaan joognaa Kacbada, waxaa laga yaaba in maanta ey Sammadu furan tahay oo Ducaddada la aqbalo ee Noo Duceey markaa ayeey tiri: Allaah waxaan ka barayaa in Jirkaagu uuna Taabsiin Labo.1.Naag aan Aniga aheyn iyo 2. Cadaabka Naartaba.
Xaaji Cumar, Naar ma rabo, Laakin, waa dhihi waayay Aamiin, ileey Aamino oo Bakhaar Deriskiisa ah ku ledeed Suuqa Bakaaraha ayuu ka ballan qaaday in uu khudba sireeysan doono doono Xajka kadib.
( Siyaasiyiinta Ballamada hore uga qaaday Ajaanibta, Maxaan ugu Duceeynaa?).
6-Luul oo Cuqda ka qabtay Barideed oo aad u yareed oo xataa Cirbadda Daawada ee Farmashiyaha, meel looga duro la waayay, ayaa u tagtay Faalshoow Reer Hiraan ah, waxa uuna ku yiri: ka soo Duceyso Dugsiyada Quraanka ee Xaafadda , ii duceeya dheh hana u sheegin Muraadkaaga. halkii Ducaba Biridaada waxaa ku Darmayo Nus Kilo. Dusigii ugu Horeeya ayeey Adraydii Lacag u qeybisay, waxaa loogu duceeyay Muraadkaaga Alla ha sahlo. Nus kilo ayaa ugu Darantay Biridii. Kii Labaadna Nus kilo, ilaa kii Afraad. iyada oo Afar Nus oo Laba kiilo ah ugu darsan tay, ayaa Macalinkii 5aad Ku yiri: waad naga Farxisay oo Lacag badan ayaa noo qeybisay , ee Muraadkaaga 1000 jeer Alla ha kuu siyaadiyo. Luul Kursi ey ku fadhiisato ayaa hadda Shiinaha laga dalbay. ( F.S: 4aad).
( Walaalaheena Ethiopia u duceeya in xaaladda Gobalka Tigreega 1000 jeer Alla u siyaadiyo, sidii ey iyaguna noogu Duceey jireen Markii ey Biriyaradu na heeysay).
Qore: Yahya Amir