Ethiopia oo duulimaadyada diyaaradaha ka xirtay gobolka Tigrey-ga ee dalka Ethiopia

Addis ababa:-Waaxda duulista ee Ethiopia ayaa sheegtay in duulimaadyada diyaaradaha ee caalamiga ah iyo kuwa gudaha laga xiray garoomada diyaaradaha magaalooyinka Mekelle, Shire, Axum iyo Humera oo ah magaalooyinka ugu waawayn gobolka Tigrey oo todobaadkan ay dagaallo ka socdeen, ka dib markii dawladda Federaalka ay iskhilaafeen.

Qoraal kooban oo hay’adda duulista Ethiopia ka soo baxay ayaa lagu sheegay in duuliye yaasha iyo shaqaalaha kale ee duulimaadka arrintan lagu wargaliyay.

Waaxdu faah faahin dheeri ah kama bixin sababta balse waxay arrintan daba socotaa dagaal dhimasho iyo dhaawac sababay oo dhexmaray ciidamada dawladda Federaalka Ethiopia iyo ciidanka maamulka Tigrey, ka dib khilaaf muddo soo jiitamayey oo ka dhashay doorashadii ay iskood u qabsadeen Tigrey-gu bishii September ee sanadkan, taas oo golayaasha sharciga ee Federaalka Ethiopia ay waxba kama jiraan ku tilmaameen.