Waa Maxay United States Electoral College?

Qaabka loo doorto Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa waxay aad uga duwan tahay sida ay aduunyada kale u doorato Madaxweynahooda ama Raiisal Wasaarahooda.

Caadi ahaan aduunka waxa ku guulaysta Kursiga Madaxweynaha musharaxa ugu codka badan dalkaas. Hadaba Maraykanku ma aha sidan, Madaxweynaha Dalka Maraykanka waxa doorta Electoral College, waxana mararka qaarkood dhacda in uu madaxweyne noqdo qof aan helin codadka ugu badan dalkaas, sidii dhacdey 4 sano ka hor markii uu Donald Trump heley codadka Electoral collage halka ay Hilary Clinton heshey codadkii shacabweynaha Maraykanka.

Dad badan ayaa isoo waydiiyay waxa ay yihiin Electoral College-kani.
Bal aan isku dayo inaan sharax kooban ka bixiyo sida ay u dhacdo doorashada Maraykanku.

Dalka Maraykanka ayaa wuxuu leeyahay 538 Electors(codeeye) kuwaas oo doorta Madaxweynaha Maraykanka, loona yaqaan Electoral Collage, Shacabkuna waxay doortaan electoral college-kaas. Xisaabta tirada 538 Electoral Collage waxay ku timi sidan; Tirada Electoral College ee uu Gobol (state) kastaa leeyahay waa tirada Congress-ka aqalka hoose) iyo tirada Senetors (gobolkastaa 2 Senetor ayuu leeyahay) ee gobolkasta.

Tusaale gobolka California ee ugu dadka badan wuxuu lee yahay 55 Electoral Votes, waxayna tiradiisu ku timi 53 Congress iyo 2 Senetor. Hadaba 538 Eloctoral Votes waxay ku timi 435 oo ah tirada Congress-ka oo lagu daray 100 Senetor (50 ka Gobol mid kastaa wuxuu leeyahay 2 Senetor). 435 (Congress)+100 (Senators) = 535. Tiradaas ayaa lagu darayaa Caasimada Maraykanka (Washington DC) oo leh 3 Electors (caasimadu ma laha congress).

Hadaba xisaabtu waxay noqonaysaa sidan: 435(Congress)+100 (Senators)+3 (Washington DC) =538(Electoral College). Hadaba musharax gaadha 270 Electoral Votes ayaa noqda Madaxweynaha Maraykanka.

48 Gobol (48 states) oo ka mida 50-ka (50 states) muasharaxa hela codadka ugu badan gobolkaas ayaa wada qaata tirada Electoral college ee uu golokaasi leeyahay (winner take all electoral college), marka laga reebo Gobolada Nebraska (5) iyo Maine (4) oo iyaga musharaxa ku guuleysta gobolkaasi qaato 3 electoral votes gobolka Nebraska, 2 electoral votes gobolka Maine “Congressional district (3 inNebraska, 2 in Maine)”, 2 da soo hadhana uu ku guulaysan karo musharaxa kale (2nd Congressional District).

Gobolada Maraykanku sidey u kala dad badan yihiin ayay u kala badan yihiin Electors Votes ay leeyihiin. Afartii sanoba hal mar ayay codeeyaan Elecotaral Collage-ku waana bisha December ee ka dambeysa marka ay dhacdo doorashada Maraykanku. Bisha January ayaa la caleemo saaraa Madaxweynahii la doortey.

Sidaas ayuu Joe Bidon ku noqonayaa Madaxweynaha Maraykanka ee la doortey (elected president) waayo wuxuu haystaa 270 ama ka badan iyadoo dhawaan la dhamaystiri doono tirinta codadka.

Maxamed Cali Sheekhaawi