Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabeelle oo maanta doortay guddoon Cusub.

JOWHAR:- Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa maanta doortay guddoomiyaha cusub ee hoggaamin doona baarlamaanka labaad ee Hiirshabeelle.
Xildhibaan Cabdixakiim Luqmaan ayaa loo doortay xilka guddoomiyaha Baarlamanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ka dib doorasho goor dhow ka dhacday Magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabeelle.

Cabdixakiim Luqmaan ayaa helay codad gaaraya 78 cod, halka musharaxii labaad ee la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Goodir uu helay Codad gaaraya 21 cod waxaa xumaaday 1 cod oo kaliya.

Sidoo kale Baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa doortay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa loo doortay Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka HirShabeelle kadib markii uu tanaasulay musharaxii la tartamayay ee Saadaq Salaad Warsame.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka labaad ee Hirshabeelle ayaa isna loo doortay Mahad Xasan Cusmaan.