Wasaaradda Gargaarka oo deeq Daawo iyo Raashin ah ku wareejisay Maamulka Gobolka Banaadir +Sawirro

Muqdisho:-Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed (Jaketti) ayaa maanta kala wareegtay Wasaaradda Maareynta Masiiboobinka Deeq isugu jirto Daawo iyo Raashin oo loogu tala galay dadkii uu sameeyay Robabkii ka da’ay magaalada Muqdisho.

Deeqdan ayaa la qorsheynayaa in la gaarsiiyo dadka ugu daran ee ay saameeyeen fatahaadaha ka dhashay roobabkii ka da’ay caasimadda.

Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in deeqdan ay ka timid dowladda Masar, looguna talagalay in la gaarsiiyo bulshada Soomaaliyeed.