Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Guddoonka cusub ee Baarlamaanka Hirshabeelle.

Muqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee Xukuumada Federaalka Soomaliya ayaa hambalyo u dirtay Guddoonka Cusub ee ay doorteen Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Wasaarradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa sido kale waxaa ay hambalyo iyo bogaadin u dirtay Guddigii Qabanqaabada Doorashada Gudoonka Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboledka Hirshabeelle, hay’adaha amniga ee suuragaliyey habsami u socodka iyo nabaddgalyada Doorashada iyo dhammaan bulshada qaybaheeda kala duwan.

Ugu dambayntii, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ay ku dhiirigelisay Guddoonka Cusub ee Baarlamanka in ay dhameystiraan inta ka dhiman hannaanka doorashada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.