Musharraxa madaxweyne ee mucaaradka Uganda Bobi Wine oo la xiray.

KAMPALA:– Musharaxa madaxweyne ee mucaaradka Uganda Bobi Wine ayaa la xiray Talaadadii kaddib markii uu waraaqihiisa musharraxnimo u gudbiyay guddiga doorashada, afhayeenka xisbigiisa ayaa warkan laga soo xigtay.

Wine, oo ah38 jir ah ayaa ah siyaasi magiciisa saxda ah uu yahay Robert Kyagulanyi, isagoo ku rajo weyn in uu soo afjaro Yoweri Museveni oo in ka badan 30 sano xukunka hayey, taas oo ka dhigaysa madaxweynihii saddexaad ee ugu xukunka dheeraa Afrika.

Doorashada ayaa loo muddeeyay bisha Febraayo ee sanadka soo socda.

“Waxay booliska isticmaaleen budad waxayna jabiyeen muraayadaha gaarigiisa si xoog ahna way u kaxeeyeen” Joel Senyonyi, oo ah Af-hayeenka Xisbiga Midnimada Qaranka ayaa yiri, isagoo intaa raaciyay inuusan garaneyn sababta masuulkan loo xiray.

Af-hayeenka booliska Luke Owoyesigire ayaa sheegay in wali uusan helin warbixin ku saabsan xarigga Bobi Wine.