Maxamed Cabdi Waare “Dad gaar ah ayay gacanta u gashay doorashada Hir-Shabeelle, waqtigaana ma ihi Musharax..”

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Maalin, kaddib faah faahin ka bixiyay sababihii keenay inuu iska casilo xilkii Madaxweynaha Hir-Shabeelle xilli ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Waare ayaa marka hore sheegay inuu waqti badan geliyay Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle si loo helo maamul nidaam & amni kala duwan leh, hayeeshee taasi ay socon weysay.

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray inuu ka tanaasulay xilka Madaxweynaha Hir-Shabeelle, iyada oo ay u harsan tahay muddo hal Sano ah, sidoo kalena uusan xilligaan aheyn musharax Madaxweynaha Hir-Shabeelle.

Waare wuxuu sheegay in sida ay hadda Jowhar wax uga socdaan uu dhowr jeer dalbaday in la hakiyo si loo helo Maamul Hir-Shabeelle ah oo ku dhisan dib u heshiisiin iyo mid la isku raacsan yahay, balse dheg jalaq looma siin, isla markaana dad gaar ah ayay gacanta u gashay doorashada Hir-Shabeelle

“Neef Xoolaha markii uu caatoobo oo Cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka Hir-Shabeelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd ayuu yiri” Waare.