Maamulka Soomaaliland oo Xukun Ku Ridday Maamulaha TV-ga Astaan Cable ee Hargaysa.

HARGEYSA:-Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta xukun ku ridday maamulaha Shirkadda warbaahinta Astaan Cable ee magaalada Hargeysa Cabdimannaan Yuusuf Maxamed.

Maxkamadda ayaa ganacsade Cabdimannaan ku xukuntay 5 sano oo xarig ah sidoo kalena waxay maxkamaddu xukuntay in la xayiro Astaan Tv iyo waliba in laga qaado ganaax lacageed oo dhan 2 bilyan oo shilinka Soomaalilaan ah.

Cabdimannaan ayaa tan iyo 17-kii Juulay ku jiray gacanta laamaha ammaanka Soomaalilaan xilli uu u tagay magaalada Hargeysa arrimo la xariira howlihiisa ganacsi.

Ururka Suxufiyiinta Soomaaliland ee SOLJA ayaa sheegay in dhawaan ay war kasoo saari doonaan xukunka ku dhacay ganacsade Cabdimannaan iyo xaruntiisa warbaahineed iyaga oo dhowr mar oo horena maamulka Soomaalilaan ugu baaqay in la sii daayo ganacsadaha.

2014-kii ayay ahayd markii ganacsade Cabdimannaan uu hal abuurkiisa ganacsi ku biiriyay shirkad la oran Jiray Access Tv oo kolkii dambe loo rogay Astaan oo uu haatan maamule ka yahay.

Astaan, waa shirkad dadweynaha ka kireysa receiver-rada laga daawado kanaallada kala duwan ee warbaahinta dunida waxaa intaa sii dheer in ay leedahay kanaallo maxalli ah oo ka warrama arrimaha bulshada sida cayaaraha, maaweelada carruurta, diiniga IWM.