Maamulka Galmudug oo shirkado Caalami ah kala heshiiyay Dhismaha Dekedda Hobyo.

MUQDISHO:– Wasaaradda Dekadaha iyo Kalluumeysiga Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa heshiis lagu dhisayo Dekedda Hobyo la saxiixatay Shirkadda Oriental oo ah Isbahaysi ka kooban Seddex Shirkad oo Turkey, Ingiiriis iyo Soomaali ah.

Galmudug heshiiska waxaa dhinaceed u saxiixay Wasiirka Dekadaha ee maamulkaas Abdisabir Nur Shurie, halka Shirkadda Oriental ay metelayeen shirkadaha kala ah Crom LTD, Hobyo Invesment LTD, Indian Ocean Holding LTD.

Goobta Saxiixa heshiiska waxaa sidoo kale ku sugnaa Holman Fenwick Willan (HFW) oo ah shirkad sharciyaqaano ku takhasusay arrimaha Badda oo fadhigoodu yahay dalka Ingiriiska.

Shirkadda Oriental oo saldhigeedu yahay Magaalada London ee dalka Ingiriiska ayaa waxa ay Wasaaradda Dekedaha iyo Kalluumeysiga Galmudug la gaartay heshiiskan kadib markii bilihii ugu dambeeyey kulamo kala duwan ay la qaateen wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Md. Abdisabir Nur Shurie.

Wasiir Abdisabir Nur Shurie ayaa waxa uu bogaadiyey heshiiskan waxa uuna sheegay in dhammaadka bishan ay dalka soo gaari doonaan kooxda hore ee Sahanka sameeynaya.