Howlo dib loogu furayo biyo mareenada oo ka socda waddooyinka Muqdisho.

Muqdisho:-Waaxda bulaacadaha dowladda hoose ee Xamar ayaa xalay howl lagu hagaajinayo goobaha biya mareenka ah ka fuliyay qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho oo ay biyo dhigeen roobabkii ka da’ay caasimadda.

Dhallinyaro loo carbiyay ka shaqeynta arrimaha bulaacadaha ayaa isku howlay iney dib u furaan bulaacadaha xirmay si biyuhu ay uga baxaan waddooyinka oo aysan u fariisan xiiliyada roobka.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dadaal xooggan ku bixinayo sidii loo soo celin lahaa bilicda Caasimadda, islamarkaana biyaha looga saari lahaa waddooyinka magaalada oo isticmaalookada ay adagtahay xilli roobaadka.