Fal Dil ah oo ka dhacay Gobolka Galgaduud iyo Xiisad ka dhalatay ka dhalatay Dilkaasi.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay weerar jidgal ah ku dileen laba Ruux oo iyana hubeysnaa, kuwaas oo ku sugnaa degaano ka tirsan Waqooyiga Gobolka Galgaduud.

Labada qof ayaa xilliga la dilayay waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen inta u dhaxeysa degaannada Xananbuure Iyo Miirajiicle, waxaana la sheegay in dilka ka hor ay is rasaaseyn dhex-martay labada dhinac.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan sababaha dadkaasi loo dilay, waxaana wararka qaar ay sheegayaan inay la xiriirta aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagnaa degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Goobta dilka uu ka dhacay ayaa waxaa tegay ehellada ragga la dilay, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydka labada ruux, waxaana sido kale la sheegay inay ku wajahan yihin Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Galmudug.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa xiisad Colaadeed ka taagneyd Deegaanka Xananbuure & degaannada ku dhow dhow, waxaana ay u dhaxeysaa laba maleeshiyo Beeleed oo kasoo kala jeeda Magaalooyinka Dhuusamareeb & Cadaado ee Gobolka Galgaduud.