Cabdullaahi Dheere oo si kulul uga hadlay musuqmaasuq hareeyay dhaqaalaha ka soo xarooda dadka Muqdisho

Cabdullaahi Axmed Maxamuud (Cabdullaahi Dheere) Madaxweynaha Banaadir State ayaa si kulul uga hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan musuqmaasuq hareeyay dhaqaalaha canshuurta laga qaado dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in arrintaasi dhibaatooyin xoogan ka soo gaareen shacabka Muqdisho oo ay heystaan xilligaan duruufo kala duwan isla markaana burbur xoogan wajahayaan waddooyinka iyo goobaha danta guud.

“Dadka Muqdisho canshuurta laga qaado waxaa lagu bixiyaa dano gaar ah” ayuu yiri madaxweynaha Banaadir State oo sheegay in dhaqaalaha dadka Muqdisho ay qeybtooda ka qaadaan maamul goboleedyada kale ee dalka.

Dhinaca kale Cabdullaahi Dheere ayaa tilmaamay in roobabka ka da’aya Muqdisho ay burburiyeen inta badan waddooyinka halbowlaha caasimada isla markaana daadad ka dhashay ay dhulka la simeen in ka badan boqol guri, wuxuuna sheegay inay mas’uul ka tahay dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka Banaadir.