Wargeyska Guardian: Cadhada Muslimiinta ee Macron waa halis hurin karta xiisad Yurub ka bilaabata.

Wargeyska The Guardian ayaa baahiyey maqaal uu qoray saxafiga Simon Tisdall oo uu kaga hadlayo sida ay Muslimiinta dunidu uga cadhoodheen hadallada iyo mawqifyada madaxweyneha Faranskiiska, Emmanuel Macron.

Maqaalka oo ciwaankiisu yahay “Cadhada Muslimiinta ee Macron waa halis hurin karta xiisad Yurub ka bilaabanta” ayuu Tisdall ku sheegay in Macron uu bishii hore ku furay Faransiiska iyo Yurub ba furin cusub oo uu kaga horkeenay dunida Muslimka isaga oo magaca xorriyadda ku doolaya, waxaana dhici kartaa in uu arrintaa u badheedhay.

Laakiin falalkii argagixiso ee xidhiidhka ahaa ee ugu dambeeyey waxay muujinayaan in madaxweynaha Faransiisku bilaabay wax aanu joojin karayn.

Qoraagu wuxuu qabaa in hadalkii xamaasadaysnaa ee Macron jeediyey 2 Oktoobar ee uu wacadka ku maray inuu la dagaalami doono “xag-jirka Islaamka”, uuna ku soo afjari doono in “ay bulshad iska soocaan”, kana difaaci doono qiyamka cilmaaniga ah, wax kasta oo ay ku qaadatoba.

Waxaanu hadalkiisa ku bilaabay dhoola tus siyaasadeed oo ujeedada uu ka lahaa ahayd inuu ku fashiliyo qorsheyaasha [xisbiyada] xaj-jirka midigta fod ee Faransiiska inta aanu bilaabin ololihiisa doorashada ee 2022.

Laakiin hogaamiyeyaasha dunida Muslimka waxay ka cadhoodeen in Macron diintooda ku tilmaamo “diin xiisad adagi kaga oogan tahay dunida”, waana erayga midka ay ka faa’iidaysteen kuwa xag-jirka ahi.

Laba toddobaad ka dib waxaa macalinkii Faransiiska ahaa ee Samuel Pati dilay nin xag-jir ah oo aan ku dhalan Faransiiska. Markaas ayuu haddana Macron bannaanka iskeenay kolkuu difaacay sawir-gameedyadii “af-lagaadada ku ahaa Nebiga” ee ay hore u faafisay majallada Charlie Hebdo ee macalinkaasi ardayda uu tusay.

Ka dib waxa Faransiisku bilaabay inuu daba galo hoggaamiyeyaasha hay’adaha Islaamiga ah ee dalka ka jira, waxaanu xidhay dhawr masaajid, tallaabadaasina waxay sii hurisay xiisaddii. Macron na wuxuu shaaciyey weedha ah “Faransiiska weerar baa lagu hayaa”.

Tisdall wuxuu sheegay in aanay haboonayn in Macron lagu dhaliilo in uu ku dhegan yahay qiyamka Faransiiska ee jamhuuriga iyo cilmaaniga isku dhafan ah, laakiin isaga iyo madaxda kale ee Yurub ba waxa soo food saaray fal celin colaadeed oo ay dad badani ku dhiman karaan.

Waxa kale oo suurto gal ah in falalkaa colaadeed ay saameeyeen labada dhan ba ay ka dhalato in bulshada Yurub qalalaase ka dhax abuurmo oo nabadgelyada iyo wada jirka bulshada dhaawac gaadho.

Emannuel Macron, Cilmaniyadda iyo Islaamka

.

Wargeyska Financial Times, ayaa isna faalo uu qoray wuxuu ciwaan uga dhigay “Emmanuel Macron, Cilmaaniyadda iyo Islaamka” taas oo madaxweynaha Faransiiska uu kaga hadlay cilmaaniyadda iyo Islaamka.

Wargeysku wuxu sheegay in madaxweynaha Faransiisku ka cadhaysiiyey Muslimiinta dunida maadaama ay aaminsanyihiin inuu Islaamka erayo quudhsi ah ka sheegay markii uu ka hadlayey tacsidii macalinkii la dilay toddobaadkii hore ee uu yidhi “ka tanaasuli mayno sawir-gacmeedyada xataa haddii dad kale ka cadhoonayaan.”

Intaa ka hor waxa Macron lagu dhaliilay in uu Muslimiinta beegsanayey markii uu shaaciyey qorshihiisa uu kaga hortagayo xag-jirka Islaamka ee Faransiiska.

Waxaanu wargeysku aaminsan yahay in madaxweynaha Faransiiska uu hal seegay oo ahayd inuu ku celceliyo weedha “bulsho iska sooca”, sabta oo ah waxa saarnaa cadaadis kaga imanaya xag-jirka midgta fog oo ku eedeeyey inuu u debacsan yahay “Islaamka siyaasiga ah” oo aanu si haboon u difaacayn qiyamka cilmaaniga ah ee Faransiiska.

Laakiin in la yidhaa Macron wuxuu beegsanayey Muslimiinta oo dhan, runtii waa midh talax tag ah, sida uu qoray wargeyska, in kastoo xataa nasiib darro ay ahayd in wasiiradiisa qaar ka mid ahi adeegsadeen erayo ay jecelyihiin xag-jirka midigta.

Wargeysku wuxuu intaa kudaray in dad badan oo ka mid ah siyaasiyiinta hal doorka ah ee Faransiiska aanay ku niyad samayn in qowmiyado laga tiro bada yahay oo muuqda ka soo dhex baxaan bulshada Faransiiska.

Sidoo kale maadaama ay ka duulayaan mabaadii’da cilmaaniga ah, way ku adagtahay in ay aqbalaan in la liido Muslimiinta oo nebigooda lagu jeesjeeso waxaanay arintaa u arkaan in ay weerar ku tahay diintooda.

Wargeysku wuxuu yidhi “dilkii macalinka wuxuu ahaa weerar lagu qaaday Jamhuuriyadda qudheeda, waana waxa ku kalifay Macron iyo qayrkiiba in ay codkooda kor u qaadan oo ay difaacaan cilmaaniyadda oo ay ka mid tahay xaqa ku jeesjeeska muqadasaadka.”

Laakiin cilmaaniyada Faransiika ee uu seeska u dhigay sharcigii 1905, macnaheedu ma aha la dagaalanka diinta ee waxa weeyi uun in la kala sooco hay’adaha dawladda iyo diinta iyo sidoo kale in la ilaaliyo caqiiqada qofka.

Laakiin wargeysku wuxuu qabaa in xorriyadda ku jeesjeeska muqadasaadka loo adeegsado si isxakamayn leh iyo in la dhawro dareenka dadka.

Macalinkii Pati wuxuu ku yidhi ardaydiisa gaar ahaan kuwii sawir-gacmeedyadaa u arkayey gefka, ‘ha daawanina’. Muslimiintuna xaqiiqatan way la noolyihiin xataa iyaga oo aan rarintaa diiddan.

Waxaana haboonaan lahayn in Macron labadaa qodobba ku xuso hadalkiisii uu ka jeediyey tacsidii macalinka.

Xigasho:BBCSomali