Madaxweyne Waare oo shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Hirshabeelle

JOWHAR:- Hoggaamiyiha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii hoggaamiyenimo ee Hirshabeelle.


War qoraal ah oo Waare soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu iska casilay xilkii madaxtinimo ee uu ka hayay dowlad goboleedka Hirshabeelle isaga oo iscasiladiisana u cuskaday qodobka 52-aad.

Hoggaamiye Waare ayaa warqadda iscasilaaddiisa ku muujiyay sababaha keenay inuu iscasilo isaga sheegay in khalad horay loo galay markii la dhisayay Hirshabeelle markale lagu soo celinayo.

Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay Hirshabeelladii hore la dhisay xilli lagu guda jiray doorashada Federaalka sidoo kalena markale ay doorashada Hirshabeelle ku soo aadday xilli doorasho lagu jiro.

Hoggaamiyihii Hirshabeelle ayaa soo jeediyay in doorashada dib loo dhigo illaa doorashada Federaalka ka dhammaato, si iyadoo la miirqabo looga tashado dhismaha Hirshabeellada cusub, lana saxo qaladaadkii hore, si ay u noqoto mid xasilloon oo waarta.