Xaflad lagu maamuusayo dhalashadii Nabi Muxamed(NNKH)oo lagu qabtay dalka Koofur Afrika.

Pretoria:- Munaasabaddaan ayaa waxaa ka soo qaybgalay Jaaliyadda Soomaaliyeed magaalooyinka dhowr ah oo ka tirsan Koonfur Afrika sida Johannseburg,Rustenburg iyo Pretoria.

Intii ay socotay xaflada lagu weynaynayay Nabi Maxamed (NNKH) ayay qaar ka mid ah Culumada ka soo qaybgashay halkaa ka jeediyeen Siirada Nabiga iyo Qasiidooyin Nabi amaan ah.

Xafladan oo ggob joog ka ahaayeen boqolaal Soomaali ah ayay shucuurtooda ku muujiniyeen jacaylka waajibka ah ee ay u qabaan Nabi Maxamed, (SCW), waxa ayna cambaareeyeen aflagaadadii dalka Faransiiska dhawaan loogu gaystay Nabiga,waxayna intaasi raaciyeen Culumada ka hadashay madasha inay waajib tahay difaacidda Nabiga.