Sheekh Shariif oo weli wada kulamo uu la yeelanayo Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta ee jooga Jowhar.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xalay ku hoyday Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa halkaasi wuxuu kula kulmay Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle.

Sheekh Shariif oo shalay gaaray Jowhar ayaa socdaalkiisa ku sheegay u dhaba gelida xaalada doorashooyinka Hir-Shabeelle iyo tabashooyinka ay qabaan howlaha socda Beelaha qaarkood.

Kulanka Sheekh Shariif iyo Odayaasha Dhaqanka Hir-Shabeelle ayaa waxay uga wada hadleen sidii xal looga gaari lahaa tabashada ay qabaan duubabka dhaqanka Hir-Shabeelle, kuwaas oo horay u sheegay in faramaroojin lagu sameeyay qaar ka mid ah Xubnihii ay u soo xuleen Baarlamaanka Hir-Shabelle.