Roob xooggan oo xalay ka da’ay Magaalada Muqdisho.

MUQDISHU:- Roobkii xiliiga dayrta ayaa ka curtay dalka, waxaana xalay magaalada Muqdisho ku hooray raxmaadkii eebbe oo aad loogu diirsaday, dhanka kale wuxuu saamayn xooggan ku yeeshay isu socodka gaadiidka iyo dadka.

Waddooyinka Janaraal Daa’uud iyo Soddonka ayaa ka mid ah meelaha uu saameeyay roobka,gaar ahaan isgoyska Fagax oo gabi ahaanba biyuhu fadhiisteen, taas oo sababtay in gaadiidku isaga gudbi waayo labada dhinac ee waddada soddonka.

Qaar kamid ah wadayaasha moota bajaajta iyo caasiga ayaa sheegay in xilliyada roobabka ay dhibaato xooggan soo wajahdo inkastoo ay xuseen in waddooyinka qaar la hagaajiyay.

Sidoo kale dadka ku nool kaamamka barakacayaasha ayaa wajahaya xaalad adag maaddaama ay ku noolyihiin guryo ka samaysan cooshado oo aan gabbaad uga noqon Karin roobabka xooggan.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa wada dadaallo uu ku yaraynayo dhibaatada ka dhalata roobabka ka da’a caasimadda.