Ka faa’iideyso farxada nolosha

Alhamdulilah waxaan ahay qof ilaahay siiyay caafimaad qurux iyo caqli waxaa intaas ii dheer waxaan ku noolahay farxad noloshana waxaan ka gaaray meel u dhow meesha aan jeclaan lahaa inaan gaaro. waligay wax dhib ma aanan arag oo aan ka ahayn tababarka noolaha kaana dhiga ruuxa aad maanta tahay

Waxaan maanta usoo qoray hadaladan waxaan rabaa in aad ka faaidaysataan waayo arag nimadayda iyo sharciga aan naftayda ku dhaqo ama aan ku maareeyo oo ah tan i geeysay meesha quruxda badan oo aan maanta ku sugan nahay

Ugu horeyntii waa muhiim in uu qofka fahmo in nolosha tahay sida muraayada!! oo aan ula jeedo muraayada waxii aad hor istaajiso unbaad arkaysaa sidaas aawadeed wax kasta oo maskaxdaada, wadnahaaga, afkaaga ama ficil kasta oo aad sameeyso iyadoo sideeda ah ayeey kugu soo noqoneysaa, I aamina markaan tan idiin leeyahay xataa hadaadan ficil sameyn laakiin aad ku fekertay sideey tahay beey kugu soo laabanaysaa wanaag iyo xumaan labadaba.

Hadaba aniga Manar ahaan intaan caqli lahaa waxaan ka hadlayaa oo aan xasuustaa 13 jir 14 jirkeygii. Waligay waxaan jeclaa wanaaga iyo sabarka anigana intaas iyo ka badan ayuu ilaah marwalba iigu badalay. Ma lihi qalbi ama wadna xumaan ku fakarto malahi indho jecel inay xumaan arkaan ma lahi damiir ficil xun sameyn karta Wanaageedana waan arkay waadna aragtaan noloshayda.

Ilaahay Wuu ku abuuray laakiin ficilka aniga ayaa iska leh anaana go’aan saday inaan noloshayda ku dhaqo sharciga ah #wanaag hadana #wanaag marwalba #wanaag waana ka faaiday. Marwalba oon wanaag sameeyo walaahi waa sida anigoo hor istaagay muraayad sideeda iyadoo ah baan helaa mararka qaarkood iyadoo laba jibaar ah.

Walaalayaal ma aqaano noloshiina waxa ay hada ku sugan tahay ama meesha aad joogtaan xaalada idiin keentay laakiin marna ha ilaabina waxaa tihiin hogaamiyaha noloshiina aduunkana waa muraayad ka faaidayso waqtigaada una faaideey aduumka ama mushtamaca aad la nooshahay.

❤❤❤ always and forever.

Manar Moalin