Bandow lagu soo rogay magaalada Geneva iyo xayiraad cusub oo lagu soo rogay.

Maamulka Magaalada Geneva ayaa ku dhawaaqay in laga bilaabo xalay 19.00 fiidnimo ilaa 29-Bisha November la xiri doonaan dhamaan Maqaayadaha, Baararka, Dukaamada aan cuntada daruuriga ah lagu iibin, Tima Jarayaasha, Goobaha la isku qurxiyo & Goobaha jirdhiska.

Sababt ayaa lagu sheegay tirada dadka uu soo ridanayo xanuunka Covid19 oo cirka isku shareertay.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa kor u kacay dadka laga helayo Cudurka Coronavirus, iyada oo aad uu u saameeyay Cudurka.