Madaxwayne Qoorqoor oo saxiixay shuruuc Baarlamaanka Galmudug meelmariyay

Dh/mareeb:- Munaasabaddaan oo ka qabsoontay madaxtooyada Galmudug ayaa mudane Maxamed Cabdi Kaariye Madaxweynaha Galmudug waxa uu ku saxiixay xeerar muhiim ah oo kala ah:- Shariga Maaraynta deegaanka, Sharciga Hay’adaha, Sharciga dhismaha Booliiska iyo Sharciga dowalaha Hoose.

Shuruucdan waxaa soo diyaariyey Wasaaradaha kala ah; Deegaanka, Qorsheynta, Amniga iyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose.

Munaasabaddaan waxaa ka qaybgalay Madaxwayne Ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, Garsoorka, La- taliyayaal iyo hawlwadeenno ka tirsan madadaxtooyada Galmudug.

Madaxwayne Qoorqoor wuxuu golaha Barlamaanka iyo wasiirada Galmudug uga mahadceliyey ansixinta shuruucdaan. isagoo xusay in shuruucdu ay gundhig u noqon doonto in sifo sharci ah Xukuumadda u fuliso hawlaha hortebinta leh ee loo igmaday.