Macron miyuu ka noqday hadalladuu Islaamka ka sheegay?

Wargeysyada Carbeed ayaa faalooyin ay qoreen ku qaadaa dhigay waxay ku tilmaameen “dib u gurashada” madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaga noqday hadalladiisii hore iyo in uu sheegay in uu fahmi karo dareenka Muslimiinta ee dhibsanaya sawirrada af-lagaadada ku ah Nebi Muxammad.

Waxaanay saxafiyiinta faalooyinkaa qoray is weydiiyeen in hadalkan ugu dambeeyey ee Macron yahay in uu si dhab ah uga noqday hadalladiisii hore iyo in kale, halka kuwa kalena ku tilmaameen in aan hadalladaas oo keli ah lagu kaaftoomi karin ee looga fadhiyo inuu raalli gelin bixiyo.

“Bilowga dib u gurashada”

Hadalkan ugu dambeeyey ee Macron ayaa ku soo baxay bogagga hore ee wargysyada Carabta badankooda.

Wargeyska Al-Misri Al-Yoom aya ciwaan uu bogga hore ku dhigay ahaa “Macron oo dib uga noqday hadalladiisii hore ee ku saabsanaa sawir gacmeedyada af-lagaadada ah: Been iyo hadalkaygii oo la dooriyey baa la iga sheegay.”

Website-ka Oreint.net ee Suuriya ayaa wuxuu qoray “Marcon oo ka noqday hadalladii uu ku colaadiyey Islaamka iyo Nebi Muxamed.”

Website-ka isna laga leeyahay dalka Masar ee magaciisa la yidhaa Masraawi ayaa waxa uu qoray “Macron: Xadaaradda Islaamku wax badan bay tartay Faransiiska….Lidna kuma nihin Islaamka.”

Hase yeeshee suxufiga Cabdil Baari Cadwaan oo maqaal ku qoray wargeyska Ra’y Al-Yoom ee London ka soo baxaya ayaa yidhi “hadalkii u dambeeyey ee Macron Al-Jazeera ka sheegay wuxuu bilow u yahay dib u gurasho oo wuxuu ka soo dhaadhacayaa figtii uu isa saaray markuu ku hadlayey hadalladii cunsuriyadda ahaa ee uu ku af-lagaadeeyey Islaamka iyo Rasuulkii naxariista.”

Waxaanu intaa ku daray in “arintaasi ay tahay midhii ka dhashay ololihii qaadacaadda badeecadaha Faransiika ee ka bilaabmay dunida Muslinka. Laakiin macno weyn malaha intaasi, waxa looga fadhiyaa madaxweynaha Faransiiska in uu si cad uga raali geliyo halka bilyan iyo dheeraadka Muslimiinta ah dhibaatadii weynayd ee dareenkooda uu gaadhsiiyey. Raali galintaasi waxay dan u tahay Faransiiska madaama oo dareenka Muslimiinta la dhaawacay oo aanu weli bogsan dhaawacaasi.”

Isaga oo hadalka sii wata ayaa wuxu yidhi “waxa suurto gal ah in go’aankii geesinimada lahaa ee Shacabka Kuwait qaatay ee uu ku qaadacay badeecadaha Faransiiska bilowgiiba in uu ahaa fariin cad oo aan ku koobnayn Madaxweyne Macron ee ku socotay madaxda reer Galbeedka ee ku talax taga dhagarta Caraba iyo Muslimiinta. Ka gilgilashadaa reer Kuwait ay kaga falceliyeen hadalladiisa ayaa keentay in uu joogsado ganacsigii ka dhexeeyey labada dal oo qiimahiisu dhan yahay 21 bilyan oo doolar sannadkii. Hadii ay arintu intaa sii dhaaftona waxa dhaawaca dhaqaalaha Faransiiska soo gaadhayaa yahay ilaa 300 bilyan oo doolar oo dalalka Khaliijka oo keli ahi ku maal gashadaan Faransiiska.”

“Kamuu noqon mawqifkiisii”

Laakiin Xuseen Al-Waadici oo wargeyska Al-Mash-had ee Yemen ka soo baxa faalo qoray ayaa qaba in “Macron uu aaminsan yahay inuu dagaal kula jiro Islaamka xag-jirka ah, sababta u Aljazeera u doortay inuu waraysi siiyaana tahay in uu u arko in Telefishankaasi yahay warbaahinta ugu weyn ee Islaamka xag-jirka ah sidaa awgeedna uu doonayey inuu si toos ah ula hadlo dadka taabacsan aragtidaa xag-jirka ah oo uu weerarka ay ku hayaan warbaahintooda kaga falceliyo.”

Waxa isaga oo hadalka sii wata uu qoray “madaxweynaha Faransiisku dib uma guran laakiin wuxuu caddeeyey mawqifkiisa……. [sababta oo ah] sidii caadada u ahayd ayaa warbaahinta Carabtu hadalkiisa u bedeshay. Macron wuxu yidhi waxay weeyi in uu fahmi karo sida dareenka Muslimiintu u dhibsanayo sawir gacmeedyadaas jeesjeeska ah laakiin uu diidan yahay dagaalka oo aanu weligii ka tanaasulayn qiyamka Jamhuuriyadda Faransiiska iyo xorriyda fikirka toona”.

Macalinkii Faransiiska ahaa ee la dilay

Incaam Kajahje oo faalo ku qortay wargeyska Asharq Al-Awsad ee Lodnon ka soo baxa ayaa tidhi “Markii uu Macron shaaciyey qorshihiisa uu kaga hortagyo dadkaa tirada yar [ee xag-jirka ah] waxay ahayd 2 Oktoobar oo ujeedada uu ka lahaana ahayd olole doorasho. Laakiin dilka macalinku wuxu dhacay labada todobaad ka dib, waana markaa kolka Macron hadalladii kale ka soo baxeen 21 Oktoobar kuwaas oo uu ku difaacayey qorshihiisa uu ku sheegay inuu ‘summadda Faransiisnimada’ ka ilaalinayo in lagu dheeldheelo, nasiib darro se wuxuu tusaale u soo qaatay wax ay dadka Faransiiska qudhoodu isku maan dhaafsan yihiin oo wuxuu mabda’a xorriyada fikirka ka dhigay summadda Faransiisnimada ah ee uu ilaalinayo”.

Waxanay iyadoo sii wada qoraalkeeda intaa ku dartay “hadallada Macron waxay u hiilinayeen mid ka mida aragtiyaha kala duwan ee shacabka Faransiiska markaasuu dagaalkii ka socday gudaha Faransiiska ka dhigay mid heer caalami ah oo dalka ka baxsan.”

Muslimiinta Yurub

Dhanka kale se Naasir Al-Daahiri oo faalo ku qoray wargeyksa Al-Itixaad ee Imaaradka ka soo baxa ayaa sheegay in Faransiiska “aanay saamayn doonin qaadacaadda dhaqaale iyo buuqa warbaahinta ka socdaa, cidda se ay arimahaasi saamaynta taban ku yeelanayaan waa Muslimiinta Faranskiiska iyo kuwa Yurub oo tiradoodu ay gaadhayso tobanaan milyan oo qof.”

Waxaanu intaa ku daray “Faransiiska ilaa sannadkii 1951 waxa ku yaalay masaajid keli ah oo ah Masaajidka Paris, laakiin maanta waxa ku yaalla 2260 masaajid waxa sidoo kale ku yaal mac-hadka Dunida Carabta. Jaamacadaha dalkaas oo dhan waxa lagu digaa fikirka Islaamka iyo suugaanta Carbeed, labaatankii sano ee la soo dhaafayna Faransiisku wuxuu magan gelyo siiyey 1.5 milyan oo muhaajiriin ah kuwaas oo 87% ka mid ahi ka tageen dalal Muslin ah.”

Xigasho:BBCSomali