DAMEER WEYL DHASHAY !!! BY PROF. Maxamed Cali

Laba nin ayaa meel wada degenaa. Mid wuxuu lahaasac riman, kan kalena dameer iyadana riman. Labadaneef maalintii way wada daaqi jireen, habeenkiina meel ayay ku wada hoyan jireen. Labada nin mid walba wuxuu jeclaa in dheddig u dhashaan. Habeen habeenada ka mid ah intii la hurdaayey ayaa sacii iyo dameertii baxsadeen oo fool habaabeen.

Nimankii markii ay soo tooseen xoolihiina waa ay waayeen markaas ayey raadkoodii ku dhaceen iyagoo dhaldhalay oo nabad qaba ayay meel duur ah ugu tageen. Baryadii waa laga aqbalay oo sacii wuxuu dhalay weyl dameertiina waxay dhashay dheddig.
Dameerlihii ayaa yiri weysha waxaa dhashaydameerteyda saclihii wuu ka diiday arrintaas, nin gar yaqaan ah ayaa laysugu tagay kaasoo weyshiidameerlihii u xukmiyay,dameertii yaraydna saclihii.

Ninkii saca lahaa gartii ayuu saluugay dacwadiisanaugaaska beesha ayuu u bandhigay. Ugaaskii markuucabashada ninkii dhegeystay ayuu ku yiri ”Gar ma naqikaro oo dhiig caado baan qabaa sidii gabdhaha eeodaygii xaalka horey u galay ku laabo, una sheeg ooarrintaan dib ha u baaro”.

Markii farriintii soo gaartay ayuu odaygii gar yaqaankaorod isa soo dhigay oo ugaaskii u tegay kuna yiri ”Ugaas goormuu dhiigga caadada kugu dhacay”? 

’Markey dameeruhu weylo dhalaan ayaa ugaasyadadhiig caado ku dhacaaayuu ugu war celiyay.

Markuu ogaaday, in ugaaska gartiisa gurracan ka caraysan yahay, ayuu labadii nin isugu yeeray oo gartiidib u galay,jidkii xaq ahaana marsiiyay.

Haddii qof walba oo qalad sameeya lagu diidi lahaawax xumaan ah ma jiri laheyn.

WQ.

Maxamed Cali Sh.Cabdi