Shaxda isu been guurka siyaasiyiinta Soomaaliya maxay riman tahay?

Toddobaadkii dhowaa ayaa Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble ku dhawaaqay Golaha Wasiirrada oo u muuqda in loo qaabeyay kocbinta sumcadda madaxtooyada, si loo kordhiyo fursada dib u doorashada Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uusan ilaa hadda ra’iisulwasaarahiisa la tartamayn.

Balse waxaa cajiib ah in xilli madaxda Madasha Xisbiyada ay isku dayayeen dhowrista midowgooda si ay saamayn weyn ugu yeeshaan doorashooyinka, inay Farmaajo-Rooble u dhigeen qob moos oo u horseedi kara khilaaf burburiya. Sida muuqata xisbiga Himilo Qaran waxaa laga horkeenay isbahaysiga kaddib markii 3 xubnood oo firfircoon ka qaybgaleen xukuumadda Mudane Rooble.

Inkastoo humbaallaynta Farmaajo-Rooble cabsi leedahay, haddana dib u doorashada madaxweyne xilhaya waxay ku xiran tahay hadba sida loo qiimeeyo wax qabadkiisii taas oo uu ku muteysan karo dhaliil amase amaan. Balse, waqtiga xaadirka ah macquul maaha in la sii saadaaliyo sida ay u ekaan doonto natiijada doorashada madaxweynaha ayadoo aan la darsi isbeddellada muhiimka ah ee siyaasiyiinta ku doonayaan inay ku kordhiyaan fursadahooda.

Shaxda Farmaajo-Rooble oo si farshaxan badan loo farsameeyay ayaa soo bandhigtay kala qoqobnaanta dhextaal hoggaanka Madasha Xisbiyada. Isbahaysiga waxaa hareeyay khilaaf salka ku haya hoggaaminta oo u muuqdo in midba midka kale xusuleynayo.

Si kastaba ha ahaatee, dhaqanka doorashooyinkii hore (2017kii iyo tii 2012kii) waxuu ahaa in dhowr iyo labaatan shakhsi oo intooda badan aysan mabda’ ku kala duwaneen, haddana wax isu oggolayn isu soo taageen tartanka madaxweynaha. Inta badan musharixiintaas halkudhiggoodu ahaa “ninbow naftaa,” kuma guuleysan jirin taageerada 10% oo lagama maarmaanka u ahayd wareega kowaad ee codbixinta.

Xildhibaannada musharraxoodu ku hungoobay mashruuca “ninbow naftaa” ayaa codkooda siin jiray musharrax aysan ku talaggelin. Doorashada noocaas ah ma ahayn mid mucaaradka ku guulaysto tartanka, balse waxay ahayd guuldarro ku dhacda kooxda xilka haysay.

Su’aasha dad badan maskaxdooda ka guuxaysa ayaa ah: Sidee hoggaanka Soomaaliya u ekaan doonaa doorashada ka dib?

Tillaabo u muuqata u-gogolxaar wadahadal isbahaysi ayaa si lama filaan ah uu u soo qaddimay madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed kaddib markii uu u bareeray inuu la kulmo Ra’iisulwasaarihii hore Xasan Cali Khayre oo uu mowqifkoodu kala fog yahay. Walow warku uu dharbaaxo kulul ku yahay Farmaajo, haddana shaxda Shariif Sheikh Axmed lama hubo in mustaqbalka dhow ay ka dhallan doonto isbahaysi shaqaynaya oo dhab ah.

Mudane Shariif Sheikh waxuu u ololeynayaa saddax xeeladood midkood inay soo ifbaxdo doorashada ka hor: (b) Mucaaradka oo ku guulaysto inay hal musharrax la hortagaan goobta doorashada; (t) Mucaaradka oo u midooba rididda madaxweynaha xilka haya; amase (j) Mucaaradka oo ku guulaysto soo-bandhigidda ceebaalka maamulka xilka haya.

Balse durbadiiba waxaa farahiisa ka siibtay Sheriif Xasan Sheikh Aadan oo udub dhexaad u ahaa siyaasiyiinta ka soo horjeedo Farmaajo. Xaqiiqda dhextaal siyaasiyiinta ayaa ka gudbi la’ danaha gaarka ah in dhinac layska dhigo, inkastoo dimuqraaddiyadda aysan ka dhammeen mucaarad wax dhisa.

Doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee soo socoto waxay noqon doontaa tijaabo ka dhan ah siyaasiyiinta labada dhinac ilaa ay kaga gudbaan khilaafoodka tanaasul iyo is-afgarad oo furo muhiim ah u ah isbeddel siyaasadeed.

By Cabdulqaadir Cariif Qaasim