ROOB MAHIIGAAN AH OO KA DA’AY DEEGAANO KA TIRSAN PUNTLAND

Wararka aan saakay ka heleyno deegaano badan oo ka tirsan Puntland ayaa sheegaya in xalay uu roob mahiigaan ah ka da’ay.

Deegaanada uu roobku ka da’ay ayaa ka tirsan Karkaar iyo Nugaal ee Puntland, kuwaas oo qaarkood aysan horay uga di’in roobabkii deyrta, sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Gobolka ay Puntand ula baxday Karkaar, gaar ahaan magaalooyin ay ka mid tahay Qardho iyo dhulka ku xeeran, waxaana lasoo sheegayaa in uu gaarsiisanyahay soohdinta u dhexaysa gobollada Sool, Sanaag.

Gobolka Nugaal, sidoo kale degaanno kala duwan oo ka tirsan dhulka loo yaqaan Iyaxda ayuu xalay roobku ka da’ay, waxaana ka mid ah magaalooyinka roobsaday Garowe oo caasimad u ah Puntland