Soo koobida dhiganaha: تكوين المفكر للدكتور عبد الكريم بكار W/Q: Maxamed Abuukar Macallin


Dhiganahaani – sida magaciisa ka muuqataba- wuxuu ka hadlayaa sida loo sameen lahaa qof mufakir ah, balse, wuxuu qoraagu kasii afeeftay in cidna uusan dhowr buug uu akhriyo mufakir ku noqoneen. Hasa ahaate buuggan uu noqon karayo mid ifiya wadadii lagu noqon lahaa. Ugu horreen, si loo fahmo “mufakir” waxa uu yahay ayuu qeexay mufakir iyo erayada ka ag dhaw macna ahaan sida: mutakhasis, caalim, muslix, daaciyah, musaqaf iyo feylasuuf. Isagoo xusay erayada aadka usoo dhaween karaya macanaha “mufakir” iney yihiin: caalim, musaqaf iyo feylasuuf hasa ahaate uu ka sarreeyo musaqafka, kana hooseeyo feylasuufka.

Waxay ahaataba, waxaa lagala dhex bixi karaa qeexitaanka qoraaga in “mufakirku” uu yahay: qof aqoon hal takhasus dhaafsiisan leh, dareemayana masuuliyad inay ka saaran tahay ummaddiisa, una taagan caddeenta dhibaatooyinka taagan ama imaan kara iyo ka shaqeenta xal u heliddeeda. Intaa ka dib, wuxuu tilmaamay astaamaha uu leeyahay mufakirku. Waxaana ka mid ahaa tilmaamahaas:

  • Qof aqoonta jecel, helitaanka sheyga cusubna ku farxa, baaritaankana joogteeya.
  • Qof dareemaya masuuliyadda, warkiisana aad uga fiirsada maaddama dad kuu saamoobaya ay jiraan ama si qaldan loo dhigi karayo.
  • Qof ka madaxbannaan xargaha:
    1. Deeganka ku hareereesan: waa qof sanduuqa bannaankiisa wax ka arka.
    2. Ururka iyo qolada uu ka tirsan yahay: qalad kuma raaco.
    3. Xusuusta: xifdin iskuma halleeyo aadna xoog uma saaro, taa beddelkeeda fahamka ayuu xoogga saara.
  • Qof si guud u eega arrimaha bulshadiisa – si ka duwan sida caalimku ka eego arrimaha dhanka takhasuskiisa uun iskuna howla arrimo aad u qara yar sida uu takhasus kaba keensanayo.
  • Qof had iyo jeer baara xaqiiqda iskuna daya muujinteeda.

Qoraagu wuxuu si gaar ah u tilmaamay waxa uu ku soocan yahay mufakirka muslimka ah asagoo sheegay mufakirnamada ka hor inuu yahay qof muslim ah, ayna tahay in dadaalkiisa iyo afkaartiisa aysan ka hor imaan ijmaaca iyo nusuusta sugan, dallaaladeeduna ay caddahay.

Wuxuu sheegay in maskaxda Alle (SWT) innagu rakibay ay koobeso wax ku dhaw 100 bilyan oo unugyo ah, unug walbana uu 10 kun oo xiriir la sameenayo unugyada kale. Intaa wuxuu ka daray, marwalba oo qofku ku layliyo ama ku mashquuliyo maskaxdiisa fakar toolmoon, inuu kordhayo tirada xiriirkka ay sameenayaan unugyda maskaxda iyo is-hesigoodaba taana ay keeneso qofku inuu in badan wax dhuuxo ama fahmo. Qiimaha maskaxduna waxay ku kordheesa ka faa’ideesigeeda. Mar uu ka hadlayey “fakaridda” loo baahan yahay ayuu isku dayey siyaaba kala duwan inuu u qeexo sida in:

  1. In fikarku yahay ka guurid xaaladda, iyadoo loo guurayo xaalad kale. Asagoo cadeenaya waxa uu kala jeedo ayuu yiri: “Si aan uga gudubno dhibaata jirta, waa inaan ka guurnaa waxa hadda taagan ee la yaqaan loona guuro waxaan oollin lana aqoon, taa oo ku imaan kareesa fakarid”. Wuxuu tusaale usoo qaatay markeeynu fakareeno ineenu la mid nahay sida qof caanaha kasoo saaraya subag.
  2. In fikarku yahay in la sameeyo models/namaadij. Sida marka aynu rabno inaan ogaanno “dugsiga wanaagsan” waxa uu yahahy, ayna tahay ineenu dhisno model aynu qoreeno tilmaamaha uu yeelan karayo dugsi wanaagsan.
  3. In fikirku yahay: su’aal is-weediin. Tusaale, innaga oo is waddiinna maxaa inta badan muslimiinta fuqaro ka dhigay annagoo heesanna nidaam dhaqaale kii ugu fiicnaa, kheeraad badanna heesanna?. Faa’idada ku jirto is waddiinta su’aalaha noocan oo kale ayaa ah inay kugu dhalineeso hab-fakar kuu horseedi kara aqoon tiro badan inaad soo ogaato.
  1. In fikirku yahay: ka tallaabid xal taagan loona gudbo mid ka wanaagsan. Waxaa dhici karasa mararka qaar in dhib jiro, aadna la timaado xal. Balse xalkaasi uu yahay mid aan aad u habbooneen ama lacagta kaaga baxeesaa ay badan tahay. Markaan oo kale waxaa xaaladdaan looga gudbi karaa fakar wax kuu ool ah. Qoraagu wuxuu arrinkaan tusaale ugu soo qaatay 2-warshadooda oo Japan laga leeyahay sameeyana saabbunka. Waxaa dhacday inay isku qasmeen sanduuqyadii saabbunku ka buuxay iyo kuwii faaruqa ahaa. Warshaddi, waxay keensatay qalab x-ray ah – oo la dhigay halka ay kasoo baxayaan sanduuqyada – si loo ogaado sanduuqa ay wax ku jiraan iyo mid ka aysan wax ku jirin ayagoo shaqaalana u qaatay arrinkaan. Halka shirkadda kale -oo tan hore ka yareed, dhibkaan oo kalana qabsaday- ay la yimaadeen marwaxada elektoonig ah laguna juusteeya awood ku habboon culeeska sanduuqa faaruqa ah lana dhigay halka ay kasoo baxayeen sanduuqyada. Taa oo ka yeeshay in si fudud kii faaruqa ahaa mesha looga rido.

Intaa waxaa dheer, in qoraagu sheegay in hab-fakarka iyo luqaddu ay xiriir ka dhaxeeyaan. Asagoo raaciyey, in afkaarta aynu soo bandhigno ay tahay inta ay inoo suura galisay afka aan adeegsanno. Sidaa darteed, mufakarka waxa laga rabaa inuu daneeyo barashada afkiisa haddii ay ahaan laheyd suugaanteeda iyo naxwaheeda.

Dhan kale wuxuu ka tilmaamay: in mufakirku ka hab-fakar duwan yahay bulshada badankeed. Tusaale, waxaa dhici karta dadka intooda badan inay dhahaan reer galbeedka ayaa inoo tashatay oo dhibkaan ku jirno inuu sababay, ina daciifinayana. Balse mufakirku wuxuu ugu horreyn aaminsan yahay in dhibaatadu annaga innaga timid gaar ahaan tabardarrideenna IWM. Markaan oo kale kaallinta mufakarka waa ka qeyb qaadashada hagidda garaadka bulshadiisa, isaga oo u ifinaya in furfurnaan lala yimaado lagana faa’ideesto khibradaha iyo taariikhda ummadaha kale.

Qoraagu waxaa kale uu ka hadlay kobcinta hal-abuurka. Asagoo tilmaamay in aadanahu yahay noole hal-abuur leh. Balse hal-abuurka uusan la mid aheyn cabqarinnimo dadkaa. Waxa uu hal-abuurku u baahnaan karayo – towfiiqda Rabbi ka gadaal- ayaa ah tababbar, diirad-saarid, dadaal, dareen masu’uulnnimo iyo tadxiyah (wax hurid sida waqti iyo maal IWM).

Hal-abuurnimada wuxuu ku qeexay inay tahay: “La imaansho wax cusub, ama gaaridda natiijo aan hore loo ogeyn”. Haddaba, hal-abuurnimadu waxay noqon kartaa adoo soo kordhiya afkaar cusub ama macluumaad horay u jiray wax kusoo kordhiya. Sidaa darteed, joogteen hal-abuur la imaanshaha waa mid ka mid ah astaamaha mufakirka. Balse waxaa ugu horreyn loo baahan yahay in uu mufakirku iska leexiyo caqabadaha ka hor istaagi kara hal-abuurka sida:

  1. Liidashada kalsoonida nafta.
  2. Ku degdegidda aqbalidda afkaarta= sabar la’aan.
  3. Iska daba-galida dad kale.

Qoraagu wuxuu wax ka tilmaamay waxyaabaha ku gaarsiin karaya hal-abuurka. Waxyaabahaas waxaa ka mid ah ayuu yiri:

  • Jiritaanka sabab ku riixesa: Sababka ugu fiican uguna sarreeya ee mufakirka muslimka riixda waa raadinta raalli ahaansha Rabbi (SWT).

Marka uu bulshadiisa u adeegayo waa inuu rajeeyaa abaal marinta Rabbi maskaxdana uu ku haayaa taas.

  • Diirad saarid iyo danyn: Waa inaad daneesaa sheyga aad rabto inaad la timaado adigoo wax ka akhrinaya waxyaabaha laga qoray ama la xiriira, ka qeyb galaya koorsooyinka la xiriira, wax ka weediinaya dadka ku takhasusay, xaddidaya waxaad dhab ahaan u rabto, wixii kugu soo dhaca diiwan galinaya, IWM.
  • Ogaanshaha in majaalku waasac yahay: Tani macnahedu waxaa waaye in qof walbaa majaalkiisa wax kusoo kordhin karayo.
  • Aqoonta oo si gaar ah loola macaamilo: Qofku marka ay faa’ido cilmi ah soo marto waa inoo is wayddiiyaa sidee ayaan uga faa’idesan karaa?. Waa inaan lagu kaaftoomin manhaj ka waxbarashadeed, taa baddalkeedana la daalacdo waxyaabaha tixraac ama kaabid-ba u noqon karaya, lana socda wixii hal-abuur iyo ikhtiraacaad ah ee kusoo kordhay majaalkan. Intaa waxaa soo raacaya ka ag-dhawaanshaha dadka hal-abuurka leh ama jecel iyo in aan la dhayalsan fikradaha yaryar.

Dr: Bakar wuxuu tilmaamay in mufakirka looga baahan yahay; habfikir naqdineed. Naqdin markaynu maqalno waxaa maskaxda dadka badankood kusoo dhaceysa inuu noqonayo uun mid taban adigoo sheegaya ceebaha, iinta iyo dhaliilaha. Balse xaqiiqdu taa waa ka duwan tahay. Naqdintu waxaa waaye – sida qoraaguba tilmaamay- qiimeenta shey, macluumaad, afkaar IWM. Adigoo ka soocaya wixii wanaagsan oo saxan waxa aan wanaagsaneen khaladna ah. Tani waxaa soo galaya in la dhiirrigeliyo waxa wanaagsan. İntaa waxaa soo raaca, in qoraagu soo bandhigay waxyaabaha keeni kara aas-aasidda caqliyad naqdineed. Waxaana ka mid ah:

  • Dareemid Masuuliyad: Wuxuu tilmaamay haddii Alle (SWT) ku siiyo nimcada cilmiga, in lagaaga baahan yahahy ku shukrin. Hababka looga mahadnaqana ay ka mid tahay; inaad daaha ka rogto waxyaabaha qalloocan ee aan wanaagsaneen ee bulshada heesta iyo dhiirrigelinta muuqallada wanaagsan. Oraahdaan soo socoto ayaad aad u ifineesa qodobkaan; waxaa laga soo guuriyaa: Martin Luther King oraahdiisan: “Kaliya masuul kama tihid waxaad dheheeso ee waxaad sidoo kale masuul ka tahay waxa aadan oran, taa oo ay laga marmaan aheyd inaad dhahdo”.Haddaba si aan u dareenno masuuliyad waxaa ugu horreyn loo baahan yahay nafta oo laga run sheego.
  • Fanka isweediinta: Waxyaabaha aad arkeeso ama aad akhrineeso is wayddii inta ay la ekaan kareyso dhabnimadeeda iyo waaqicinimadeeda.

Ugu dambeyn, mufakirku waxaa la gudboon inuu ku dadadaalo hubsashada iyo inuusan goyn arrin u baahnaa ka joogsasho. Allah ka abaalmariyo qoraaga buugan kheyr badan aqoonta uu inoo soo bandhigay, inagana Rabbi ha inagu anfaco, nagana yeelo kuwii jidka toosan ku sugnaada, umadoodana wax tara.

W/Q: Maxamad Abuukar Macallin