Xaalada Siyaasadeed ee Dalka Itoobiya, iyo Ra`iisal Wasaare Dr.Abby Ahmed.

Ra`iisal Wasaaraha Itoobiya Abbiy Ahmed wuxuu ku guuldaraystay, waxa uu adduunka oo dhan fahansan yahay oo ah in furaha xasiloonida Itoobiya ay tahay deegaanka Oromada, iyo siyaasada Oromada. Dhibaatada haatan haysata, Abbiy Ahmed, ma aha oo kali ah inuu liiday shacabka Oromada ee isaga xilka keenay ee waa maadaama uu qaatay siyaasad ka dhan ah Oromada,wuxuna isku dayay inuu dib usoo nooleeyo nidaamkii Dhergiga. Tan ayaana si toos ah u midaysay shacabkiisii Oromada oo wadajir uga horyimid
Wuxuu hoos u dhac wayn ku yimid doorkii Itoobiya ee sheegashada amniga iyo xasiloonida gobolka. Sidoo kale waxay dawlada Abbiy Ahmed, wiiqday wada shaqayntii IGAD
Dhinaca Biyo xidheenka iyo arrimaha xuduudaha gaar ahaan dalka Suudaan, had iyo jeer aad buu u hooseeyaa, Kenya kaba daran, Djibouti xidhiidh awood leh kalama dhexeeyo, Eritrea iyada xidhiidhkeeda looga qaateen dhinaca wanaagsan ah weeye lama dhihi karo.
Sidaa darteed, Itoobiya waxba kuma caawin karto Maraykanka, maxa yeelay wax dan Maraykanka kalama shaqayn karto, gaar ahaan dhanka siyaasada khayraadka dhulka ee uu Maraykanku kula tartamo Shiinaha Meeshii ay Itoobiya kala shaqayn lahayd Maraykanka sidii uu Shiinaha suuqa uga saari lahaa, Itoobiya waxay wali sii wadaa inay dhinacyo badan, dawlada Shiinaha isugu sii halayso oo u sii aaminto, maadaama uu dawlada Shiinuhu ka caawisay Itoobiya COVID-19 iyo horumarinta shirkada duullimaadyada Itoobiya Airline ee Afrika, oo ah meesha kali ee ay Itoobiya maanta ka hesho lacagaha qalaad ee dunida
Waxaa intaas dheer, inaysan Maraykanku jeclayn, wadanka muwaadiniintiisa xidh xidha xataa hadii uu muwaadinkaasi carqalado ka abuurayo wadankiisa hooyo ee uu asal ahaan kasoo jeedo. Taasina waa arin Itoobiya ka jirta maanta oo suuqyada Maraykanka lagaga sheekaysanayo. Marka, Abbiy Ahmed, uma eka nin fahmaya dhamaan dhibaatooyinka jira
Maraykanku waxay sii wadi doonaan inay Abbiy Ahmed ku cadaadiyaan inuu sii daayo Maxaabiista siyaasada u xidhan, dalkana uu dib ugu soo dabbaalo xasilooni. Hadii uu dhegaha ka furaysto oo uu sii wado ku tumashada Siyaasiyiinta, Amniga wadankana uu khatar sii galiyo isaga ayay dib ugu soo jeedsan doonaan, waxayna ka yeeli sidii ay TPLF ka yeeleen laba sano ka hor, waana hubaal inay raadin doonaan shaqsigii ay ku bedeli lahaayen
W/Q. Jamaal Ibrahim Maxamed (Gobonimo )
Hargeysa
Mustaqbal17@gmail.com