Tuugga maxaad ugu duceeysaa?=Faallo=

Sh. Axmed yare oo ahaa Shaqaale Xalaal quudataa, Dadkuna ey aad u jeclaayeen, ayaa Mushaarkiisii soo qaatay kadibna BAS u soo Raacay Xaafadiisii. Cabdi Xariif oo Tuug Baska saarn ahaa Ayaa Sh. Axmed ka Jeeb siibay Lacagtii Mushaarka ee Jeebka ugu jirtay.
kadibna Wiilkii Lacagta ka ururinayay Rakaabka ayaa weeydiiyay Sh. Axmed in uu bixiyo Lacagtii kirada Baska. Sh. Axmed Jeebkiisa ayuu ka waayay Lacagtii, Naxtin iyo Dhidid ayaana wajigiisa ka muuqday, kadibna wiilkii ayuu ku yiri: Lacagtii aan watay ayaa iga maqan. Wiilkii ayaa ku qeyliyay Adeer Sheekadaa hore ayeey noo soo martay iyo Dad Baska been ku raaco, Beenta iska dhaaf, Nin Akhyaar ahna waad iska dhigee, iska bixi Lacagta.
Tuugii Cabdi Xariif ee Lacagta ka jeebsiibay ayaa Wiilkii ku yiri: waryaa Dadka waayeelkaa sidaa ha ula hadlin, Lacagta kiradana Anigaa ku siinayo.
Sh. Axmed yare oo Wajigiisa Farxadi ka muuqato, ayaa Ninkii Lacagta ka bixiyay ku yiri: Allaah, ha kuu barakeeyo Hantidaada, Dadka Adiga oo kale ahna Bulshada Somalida Alla haku badiyo. Dadkii Rakaabka ayaa iyana Amaanay una duceeyay Ninkii Lacagta ka bixiyay Sh. Axmed, iyaga oo leh: Allaah Xoolaha aad heeysato ha kuu barakeeyo, Dadka wanaagsan oo Adiga oo kale ahna Somalida Alla haku badiyo, Hogaankana Alla ha noogu dhiibo.
Laga soo bilaabo Maalintaa, Somaliya Tuugadii waa ku badatay, Xilal sarena waa gaareen, welina waa loo sii duceeya. Sh. Axmed yare iyo Shaqaalihii Qaranka weli Jeeb siib ayaa ku socdo, Dadweeynihiina ilaa hadda Tuugadii ayeey u duceeyaan.
Shacaboow, kii ku Jeeb siibay Janno u tuu’g, ma Jaahilnimaa mise waa……….
Qore: Yahya Amir