Maleeshiyaadka Al-shabaab oo Xalay Saldhig Amisom ay ku leeyihiin Marka ku weeraray Madaafiic iyo Hub Culus.

Muqdisho:-Dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar ku qaadeen Saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in khasaaro uu ka dhashay dagaalka, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaasi.

Dadka Deegaanka ayaa u sheegay saxaafadda in Al-Shabaab ay madaafiic ku garaaceen saldhig ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Magaalada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay Maamulka magaalada Marka iyo kan gobolka shabeellada Hoose, sidoo kale Al-Shabaab ayaa iyana ka hadlin dagaalkaasi.

Wararkii ugu dambeeyey ee saakay naga soo gaaraya Magaalada Marka ayaa waxay sheegayaan in Ciidamada Dowladda ay duleedka degmadaasi ka wadaan howlgallo iyo dhaq dhaqaaqyo Ciidan,hayeeshee xaalada ay tahay mid degan.