Ciidamada NISA oo gacanta ku soo dhigay Maleeshiyaad Al-Shabaab ah iyo hub kala duwan.

Muqdisho:- Ciidamada Nabadsugidda ee NISA ayaa howlgal ka dhacay Xaafadda Oodweyne ee Degmada Dayniile ku soo qabtay Dhagar-qabayaal ka tirsan Argagixisada Al-shabaab iyo hub kala duwan oo ay gacanta ku haayeen.

Dhagar-qabeyaashaan la soo qabtay ayaa Argagixisada Al-shabaab u qabilsanaa dilalka iyo weerada qorshaysan ee laga fuliyo Caasimadda.

Maamulka Ha’yaddaha NISAayaa goor kasta diyaar u ah inay ka hor-tagaan, dhibaato kasta oo loo soo maleego Shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Caasimadda.

Waxaan mar walba u mahad celineynaa shacabkii nagu garab siiyey helidda xogaha xaasaasiga ah ee lagu badbaadinayey Shacabka Soomaaliyeed.