Ayaamaha Alle Eed male, ee Annagaa .

Fiiri, Qeyb ka mid ah Dhibaatooyinka Soo maray Taariikhda Gaadiidleyda Mogadishu.
B.. Xuriyadii ka dib, Dowladii Adan Cade, wadayaasha Taxi yada oo ka koobnaa, Carab iyo Talyaani soo shaqa tagay iyo Xoogaa Somaliya, waxa ey ka cabteen, Wadooyinka Magaalada oo yar iyo in eyna jirin Goobo lagala soo xiriiro. Bacdamaa ey yaraayeen Dadka dhaqaala ahaan raaci karay Taxi.
Waxaa loo Sameeyay Laba waddo oo cusub iyo Xarumo lagala soo xiriiro, Busteejooyin lagu rakibay Telephono Dadku ey ka soo wacdaan oo Darbiga ku rakiban, xasuuso, Busteejadii Ka soo hur jeedka ” Kuraajo del Suud” iyo Telephonadii Darbida Banaaka ah ku dheganaa, ee laga wacan jiray Taxi yada.
T.. 18/ Sept. /1969 kii waqtigii Dowladii, Cabdirashiid Cali Sharmaake uu Madaxweynaha ka ahaa, ayaa Sicirkii Shidaalka oo ahaa 1.20 So Sh. ( Hal shilin iyo 2 kumi) Literkii, waxaa laga dhigay 1.40 So.Sh. kadibna 20/ Sept.1969 Taxi leydii waxa ey sameeyeen Shaqa joojin. 23-24/Sept.1969 ayaa Police u badnaa Fardooleey la keenay meelaha muhimka ah,
iyada oo laga baqayay in ey Rabshado dhacaan, laakin ma dhicin..25/ Sept.1969 kii, Madaxdii Dalka ayaa la shirtay Taxi leydii. kadibna Shir ey labada dhinac isagu yimideen waxaa lagu heshiiyay in Kirada Taxi-ga oo aheyd 0.5 ( Nus Shillin laga dhigo 0.6. Lix kumi. waana la fuliyay heshiiskii. ( F.S:1aad)
J… 23 Cisho Heshiiskaa kadib 21/ Oct.1969kii, waxaa xukunkii qabsaday kacaankii. Ma jirin Xuriyad Gaadiidleey, waxaa loo sameeyay iskaashatooyin khasab ah, mana jirin Cid Cabashadeeda muujin kartay.
X.. Kacaankii kadib waqtiyadii Dagaaladii Sokeeye, ma jirin Sharci gaar ah, Gaadiidleeyduna iyagaa Go’aansanayay wixii ey doonaan, ama Qoraley ayaa u go’aamineysay.
Kh.. June 2013 waxaa Magaalada laga dhisay Shirkadii ugu horeysay ee Taxi ( Mogadiahu Taxi Company) oo ey asaaseen Qurba joog Dalka ku soo Noqotay. wax yar kadib waxaa istaagay shaqadoodii, markii Dadka ey ku adkaatay Sicirka lagu raaco Taxi- ga, Bajaajna soo bilaabatay, Taxi-leydii qurbaha qaarkoodna loo magacaabay Xilala Sare. ( F.S: 2aad)
D. 3/ Oct. 2015 . Bajaableyda ayaa Shaqa joojin sameeyay, Sida uu sheegay Xasan Cali Cumar oo u hadlayay waxa ey ka cabanayeen, Ciidamada Dowlada Hoose oo ka qaado Lacago aan Sharci aheyn. Cabashadoodiina waxba lagama qaban. ( F.S: 3-5)
R. 1/April 2019. Cabasho shaqa joojin ah ayeey Sameeyeen Bajaajleydii markii Asgari Dowlada hoose ka tirsan uu Degmada Waaberi ku dilay wade Bajaj. Cabashadoodiina waxba lagama qaban.
S. 19/ Sept. 2019, wadayaasha Gawaarida BL -ka iyo Caasileyda ayaa Shaqa joojin sameeyay, iyaga oo ka cabanayo Lacag 100.000 Sh.So. oo lagu amray in ey Bixiyaan, iyada oo hore looga qaadayay Lacag kale oo Maalinle ah iyo Wadooyinka Magaalada qaarkood oo ka xirnaa, Cabashadoodiina waxba lagama qaban. ( F.S: 6 &7aad).
Haddii aan intaa ku soo koobo.
Gaadiidleeyda Magaalada Mogadishu waxaan ugu hambalyeynayaa sida ey ugu dul qaataan dhaliilaha loo soo jeedinayo iyo Xaaladda adag oo ey ku shaqeeyaan, waxaan si gaar ah ugu hambalyeynayaa Bajaableyda oo Maalin kasta ii fududeyso in aan howl maalmeedkeyga ku soo guto.
Ayaamaha Ilaaheey Eed male midoodnee, ee Xaaladdu waa ey ku xiran tahay hadba Maamulka Maalintaa jiro.
Qore: Yahya Amir