Sheekh Shariif “Waxaan Doonaynaa in Doorashada dalka ka dhacaysa ay noqoto, mid ay ku tartamaan Xisbiyo Siyaasadeed..”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa maanta ka hadlay Arrimaha Doorashada ee dalka ka dhacaya dhamaandka sanadkaan 2020/2021.

Sheekh Shariif wuxuu sheegay Sheekh Shariif inay marka hore doonayeen in Doorashada dalka noqoto mid Xisbiyo siyaasadeed oo lagu tartamayo, hayeeshee haatan ay soo dhaweynayaan Go’aankii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ku heshiiyeen ee ahaa in dalku aado Doorasho dadban.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in dadka qaar aysan jecleyn iyo kuwo kalena ay u adeegsadaan danno siyaasadeed nidaamka dowladda ku dhisan tahay ee 4.5, balse Arrintaas ay tahay mid awood qeybsi ah laguna heshiiyay.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in muhiim ay tahay in laga gudbo nidaamka 4.5 oo lagu soo jiray muddo dheer loona baahan yahay in loo gudbo Doorasho Xisbiyo, si loo keeno dowlad gudankarta waajibaadkeedo shaqo, ayna soo doortan shacabka.

Isaga oo sii hadlaayay Shariif ayuu Carabka ku dhuftay in muhiim ay tahay in la fuliyo heshiiskii laga gaaray doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana lagu qabto Doorashada waqtigii loogu tala-galay ayna Madaxda ku heshiisay.

Sheekh Shariif ayaa Maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho oo bilihii lasoo dhaafay safarro ugu maqnaa dalalka Kenya iyo Imaaraadka Carabta, isagoona hadalkaan ka sheegay munaasabad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay.