Banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweynaha Faransiiska oo ka bilowday Muqdisho iyo Gobolada Dalka.

Qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya iyo Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka bilaawday banaanbaxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Boqolaal Ruux oo isugu jira, Haween rag iyo qaar ka mid ah Ardayda wax ka barata Iskuulada magaalada Gaalkacyo ayaa waxay Maanta halkaasi ka dhigayaan banaanbax ay uga soo horjeedaan Aflagaadadii Nebiga (NNKH) uu u geystay Madaxweynaha Faransiiska.

Banaanbaxayaasha ayaa qaarkood waxay gubeen sawirka Madaxweynaha Faransiiska , iyaga oo ku dhawaaqayay Erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo wadamada Reer Galbeed.

Boqolaal ruux oo ka kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxay banaanbax ka wadaan wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo si adag uga soo horjeeda hadalkii Madaxweynaha Faransiiska.

Dhanka kale inta badan dalalka Islaamka ayaa waxaa ka dhacaya banaanbaxyo xoogan, iyada oo dhamaan banaanbaxyada lagu gubay sawirka Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.