Pakistan :Qarax ka dhacay masjid ku yaal Peshawar oo sababay dhimasho iyo dhaawacyo.

Todobo ruux ayaa ku dhimatay masjid ku yaalla magaalada Peshawar oo dhaca waqooyi-galbeed ee dalka Pakistan,ka dib markii boors laga soo buuxiyay walxaha qarxa ay ku qaraxday gudaha masjidkaasi oo sidoo kale ahaa dugsi lagu barto qur’aanka kariimka.

Qaraxaasi ayaa saaka waaberigii ka ka dhacay masjidka Speen Jamaat  waxaana sidoo kale ay ku dhaawacmay 72-ruux, sida ay sheegeen saraakiisha booliisku.

taliyaha booliska ee magaalada Peshawar Muhammad Ali Khan ayaa xaqiijiyay in qaraxaasi uu dhacay xilli caruur badan oo baranaayey qur’aanka ay ku jireen gudaha masjidkaasi.

Baaritaanno hordhac ah ay sheegayaan in 5-6 kiilo oo walxaha qarxa ah oo laga soo buuxiyay boors ay sababeen dhimashada iyo dhaawacyada soo gaaray dadkaasi oo u badan caruur.