Hay’adda WHO oo ku boorrisay in dunidu aysan isku dhiibin COVID-19.

GENEVA:– Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) waxay ku boorrineysaa dadka ku nool daafaha caalamka inaysan ka daalin dagaalka ka dhanka ah Koroona feyras maadaama kiisasku mar kale soo kordhayaan.

WHO waxa ay ku nuuxnuuxsanaysa baahida loo qabo Af-xirashada (Mask), kala fogaanta iyo tallaabooyinka kale ee looga hortagayo cudurka oo ay ugu muhiimsantahay bandowgii lasoo rogay horraantii sanadkan.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa ku sheegay warbixin kooban oo muuqaal ah aafada darteed in dadka qaarkood dareemayaan daal iyo quus, laakiin wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la sii wado tillaabooyinka lagu xakameynayo fayraska aan weli loo helin wax daawo ah ama tallaal ah.

“Ka shaqeybta guriga, Carruurta oo fogaan aragga wax ku baraneysa oo aan Iskuulka aadin, xafladaha damaashaadka iyo dabbaal-degyada oo aynu qabsan karin, qoysaska iyo saaxiibbada oo aan baroor diiqi karin kuwa ay jecelyihiin ee ka dhinta runtii waa dhibaato, haddana ma quusanneyso mana is dhiibeyno” ayuu yiri Tedros Adhanom Ghebreyesus.

Xogta laga helay jaamacadda Johns Hopkins University waxay muujineysaa in ka badan 43 milyan oo kiis oo adduunka oo dhan ah iyo ku dhowaad 1.2 milyan oo u dhintey cudurka COVID-19, oo markii ugu horreysay ka soo ifbaxay magaalada Wuhan ee Shiinaha dabayaaqadii sanadkii hore.