Garoon Cusub oo la magac baxay Seefey Stadium oo laga furay Xaafadda Maarkaryooni.

Garoonkaan ayaa lagu ciyaari doonaa Ciyaarta Kubadda Cagta, waxaana aas aaska Garoonkaan iska laaa Ganacsade Cabdi Caato oo si weyn looga yaqaan Xaafadda Kaaraan.

Dadweynaha ku dhaqan Degmada Kaaraan ayaa si diiran u soo dhaweeyay Furitaan Garoonka Cusub ee Seefey Stadium, waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin garoonkaan cusub.

Furitaanka Garoonkaan cusub Seefey Stadium ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad magac ku leh Isboortiga Soomaaliyeed, waxaana daah furay Garoonkaan cusub Nin magac iyo maqaam ku leh Isboortiga Soomaaliyeed oo si weyn loo garanaayo waa Abuukar Istuuf.

Dhanka kale Garoonkaan Seefey Stadium ayaa meesha ka saari doona garoon la’aantii ka jirtay Xaafadda Maarkaryooni ee Degmada Kaaraan, waxayn Dhalinyarada Xaafadaasi heli doonaan Garoon ay si raaxo leh ugu ciyaaraan habeen iyo maalin.