Difaaca Rasuulka صلى الله عليه وسلم. Qormaddii 1aad.


Hadduu Rabbi ka raali noqdo waxaan qormooyin ka diyaarin doonnaa dhiganaha aan gacanta ku hayo oo magaciisu yahay “Xuquuqda uu Nabigu صلى الله عليه وسلم ku leeyahay umaddiisa, iyadoo laga eegayo fahamka Kitaabka iyo Sunnadda – حقوق النبي صلي الله عليه وسلم علي امته في ضوء الكتاب والسنه”

Culimaddu waxay yidhaahdaan, Nabiga Muxammed صلى الله عليه وسلم toddoba goor baa Qur’aanka lagu ammaanay ti soos ah oo aan dadbannayn. Toddobadii waa kuwan:

1. في ذِكْره فقال عز من قائل: (وَرَفَعْنَا لَكَ ذِكْرَكَ)
2. في خُلُقه فقال سبحانه: (وَإِنَّكَ لَعَلى خُلُقٍ عَظِيمٍ)
3. في عقله فقال سبحانه: (مَا ضَلَّ صَاحِبُكُمْ وَمَا غَوَى)
4. في صِدْقه فقال سبحانه: (وَمَا يَنطِقُ عَنِ الْهَوَى)
5. في بصَرِه فقال سبحانه: (مَا زَاغَ الْبَصَرُ وَمَا طَغَى)
6. في حِلْمِه فقال سبحانه: (بِالْمُؤْمِنِينَ رَؤُوفٌ رَّحِيمٌ)
7. في عِلْمِه فقال سبحانه: (عَلَّمَهُ شَدِيدُ الْقُوَى)

Rabbi intuu uumay oo heerkaas iyo intaas oo jeer la ammaanay Qur’aanka, Toowraad, Injiil iyo Sabuur lagama soo helayo oo aan ka ahayn Xabiibu Allaah Muxammed Ibnu Cabdillaah صلى الله عليه وسلم.

Sidoo kale, Jacaylka uu Eebbe u qabo Nabi Muxammed صلى الله عليه وسلم waxaa inoo muujinaya in Qur’aanka aan magaciisa oo mutaxan lagu sheegin, ee mar walba la raaciyo wakiilashadii uu Rabbi u wakiishay koonka, Qaar ka midda diggeyaasha Alle soo diray waa lagu xusay magacooda si toos ah, waa kuwan qaar magacooda oo toossa la tilmaamay:

1. إن الله اصطفى آدم ونوحاً
2. وإلى عاد أخاهم هوداً
3. وإسماعيل وإدريس وذا الكفل
4. وإلى مدين أخاهم شعيباً

Nabi Muxammedse صلى الله عليه وسلم, waxaa soo degay 4tan Aayaddood oo magaciisu Alle ku ladhay Nabinimmo iyo inuu yahay kii ugu dambeeyay oo Rabbi soo diro.

– في سورة آل عمران، قال تعالى: ومَا مُحَمَّدٌ إِلَّا رَسُولٌ قَدْ خَلَتْ مِنْ قَبْلِهِ الرُّسُلُ
– في سورة الأحزاب، قال تعالى: مَا كَانَ مُحَمَّدٌ أَبَا أَحَدٍ مِنْ رِجَالِكُمْ وَلَكِنْ رَسُولَ اللَّهِ وَخَاتَمَ النَّبِيِّينَ
– وفي سورة الفتح، قال تعالى: (مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ وَالَّذِينَ مَعَهُ أَشِدَّاءُ عَلَى الْكُفَّارِ رُحَمَاءُ بَيْنَهُمْ
– وفي سورة محمد، قال تعالى: (وَالَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ وَآمَنُوا بِمَا نُزِّلَ عَلَى مُحَمَّدٍ وَهُوَ الْحَقُّ.

Nabbi Muxammed iyo Jacaylka nala doonnayo inaan la nimaadno la soco Jimcadda haduu Rabbi idmo.

Jasaakumullaahu khayran.

Birmingham. United Kingdom
Mohammed Ibrahim Awed