Ciidamada Puntland oo ka hortagay Daacish oo la sheegay inay hub kala degaan xeebaha Bari iyo Sanaag.

Ciidamada Booliska badda PMPF ayaa howlgallo qorshaysan ka sameeyey deegaamo ka tirsan gobolada Bari iyo Sanaaag kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in Al-Shabaab ay doonayaan inay hub kala degaan xeebaha Bari iyo Sanaag.

Howlgalka ayaa ka dhacay deegaanada Togga Warbad, Sanqalooc, Beeraha hays, Jaanka Ceelaayo, Biyo cad, Wadada Habaarwaali iyo Dhagcaan oo dhammaan ka tirsan dhulka xeebta teedsan ee Gobolada Bari -Sanaag.

Ciidanka waxay sheegeen inay heleen xog ku saabsan abaabulka Al-Shabaab iyo Daacish ee gobolka Bari oo ay doonayaan inay qaadaan weeraro ka dhan ah Saldhigyada Ciidanka.

Saraakiisha ciidanka hoggaaminaysa waxay shegeen inay sii wadi doonaan ayna tageen goobo ay ka carareen Daacish iyo Al-Shabaab.