Cali Gar leh, Caydiid-na Gar leh!!! =Faallo=

Waa sannadkii 1991, dagaalo Sokeeye oo soo noq-noqday ayuu caan ku ahaa, dad iyo duunyo badan ayaa lagu waayay, burbur midkii ugu ba’naa ayaa laga dhaxlay sannadkaas!
Ka hor intii aanu qarxin 17-kii November 1991-kii dagaalkii weynaa ee loo yaqiinay Afar biloodkii Xamar, waxaa ka horeeyay dagaallo si Goos-goos ah u dhex marey taageerayashii USC, markii loo adkaysan waayay colaaddii soo laa-laabatey ayaa waxaa la isku dayay in xal loo raadiyo dhibaatadaas!!!
Shirar hoose ayaa magaalada ka bilowday, dadaal dheer kadib waxaa lagu guuleystay in la qabto shirweyne nabadeed oo si guud loogu heshiisiinayo walaalihii ay xiisada Coladdeed ka dhaxaysay.
Gogol nabadeed ayaa la dhigay Hotel Guuleed oo dadka qaarkiis ay u yaqaanaan Hotel Gar-Guurte, shirweynahaas oo Taariikhda galay waxaa shir guddoominayay Allaha u naxariistee Nabadoon Xaaji C/llaahi Fiidow, ergooyin ka kala socday beelihii dagaalamayay iyo wakiilo matalayay beelihii kale ee USC ayaa shirkaas lagu martiqaaday.
Dhawr maalmood ayaa halkaas la fadhiyay, rajo badan ayay qabeen odayaashii shirkaas horkacayay, hadafkoodu waxa uu ahaa inay dhammeeyaan colaaddii waagaas jirtay, xal u helida Dagaaladaas ayaa ka go’neyd.
Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho waxa ay u dhag raaricinayeen hadba halka uu marayo shirkaas, maalmo kadib waxaa shirkaas ka soo baxay Go’aan ay ka naxeen bulshadii Muqdisho, go’aankaas oo Ummadda si weyn u niyad jabiyay.
Taariikhdu waa mahadho, inkasta oo maalmaha ilaaheey ay isku mid yihiin ayaa haddana waxa aan la jecleysan maalintii uu soo if-baxay Go’aankii Mucjisada noqday, Akhyaartii shirka hogaaminaysay ayaa bannaanka u soo baxday, iyaga oo wajiyadooda ay ka muuqatay niyad jab!!!
Hordhac dheer kadib iyo ka sheekaynta heerarkii uu shirka soo marey dabadeed waxa ay odayaashii caddeeyeen in Cali Mahdi uu meelaha qaarkood ku Saxsan yahay, halka Gen. Ceydiid-na uu meelaha qaarkood uu Gar ku leeyahay, iyaga oo Af buuxa ku yiri: “Cali Gar leh, Ceydiid-na Gar leh”.
Maalin kadib markii uu go’aankaas soo baxay ayaa xubno ka mid ah odayaashii shirkaas ka qeyb-galay waxa ay Warbaahinta la wadaageen in Xal loo arkay go’aanka la qaatey, waxayna iftiimiteen in ay labada dhinac ay kala kulmeen Dhaga-adeyg Lixaad leh, iyaga oo hoostá ka xariiqay inay ku adkaatey inay kala saaraan hogaamiyaashii is hayay.
Shaacintii Go’aankaas kadib, magaaladu waxa ay gashay xaalad aan wnaagsaneyn, wel-wel ayaa Shacabka la soo darsay, qof kasta wadnaha ayuu Farta ku hayay, cabsi waxa laga qabay dagaallo dambe oo dhaca!!!
Nasiib-darro dagaalkii ay Ummadda ka cabsanaysay waxa uu Muqdisho ka bilowday billihii ugu dambeeyay ee sannadkaas, dagaalkaas oo si weyn loogu riiqmay ayaa waxaa lagu joojiyay xabad joojintii Qaramada Midoobay ee 3-dii Maarso 1992-kii.
WQ:C/Laahi Shiikhaalow