RW Rooble oo ballan qaaday in xukuumaddiisu ay ilaalin doonto xoriyadda hadalka.

MUQDISHO:- Ra’iisul Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisu ku qaabilay qaar ka mid ah ururada saxaafadda ee dalka isaga oo ku qaabilay xafiiskiisa. xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu iyo xubno kale oo ka tirsan ururka.

Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta ee FESOJ Maxamed Ibraahin Macalimuu oo war qoraal ah ku soo qoray bartiisa Facebook ayaa ka warbixiyay qodobadii ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaare Rooble.


Maxamed Ibraahin Macalimuu ayaa sheegay inuu Ra’iisul wasaaraha la wadaagay cabashooyinka iyo culeysyada heysta saxaafadda oo ay kamid yihiin xarigga iyo tacadiyada kale ee mar mar dhaca iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in xukuumadda ay arrimahaa xal u hesho.

Xoghayaha FESOJ ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha uu ballan qaaday I xukuumaddiisu ay xoogga saari doonto in ay wax ka qabato cabashooyinka la sheegay iyo in guud ahaan ay damaanad qaadi doonto xorriyada hadalka iyo tan warbaahinta.

“RW Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in waarbaahintu dhankeeda ay saaran tahay masuuliyad weyn loona baahan yahay in ay sheegaan xaqiiqooyinka dhabta ah ee jira si madax bannaan, balse aaney male-awaal iyo ku yiri kuyeen sal aan laheyn aaney wax ku marin habaabin” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Afar wasiir oo horay u ahaan jiray weriyeyaal ayaa haatan ku jira Golaha Wasiirrada cusub ee dhowaan la dhaariyay waxaana la filayaa in ay wax badan iska badali doonaan siyaasadaha ay dowladda kula macaamisho Weriyeyaasha iyo Warbaahinta.