Covid-19: Shiinaha oo magaalo ku taalla gobolka Muslimiinta ka fulineysa baaritaan ballaaran.

Shiinaha ayaa mar kale fayraska Karoona ka baaraya magaalo dhan, iyadoo xanuunku uu ku soo labo kacleeyay gobolka Xinjiang.

Qiyaastii 4.7m oo qof oo ku nool magaalada Kashgar ayaa la baarayaa, iyadoo 138 kiis laga helay magaalada.

Shiinaha ayaa ku guuleystay inuu hoos u dhigo kiisaska fayraska, balse weli meelaha qaar ayuu xanuunku ku soo labo kacleeyaa.

Xinjiang waxay hoy u tahay Muslimiinta Uighur ee laga tirada badan yahay, kuwaas oo hay`adaha xuquuqda aadanaha ay sheegaan inay tacaddiyo kala kulmaan dowladda.

Iskuullada ku yaalla magaalada Kashgar ayaa la xiray iyadoo dadka deggan loo diiday inay ka baxaan magaalada, ilaa ay ka helaan natiijada inaysan qabin fayraska.

Kiiskii ugu horreeyay ee Kashgar laga helo, waxay ahayd haweeney ka shaqeyneysay deegaanka Shufu, oo ku yaalla bannaanka maagalada.