Ciidammada ammaanka oo dib u furay waddo toban sano xirnayd

Ciidamada ammaanka ee Soomaaliya ayaa dib u furay waddada isku xirta isgoysyada KM4 iyo Tarabuunka ee magaalada Muqdisho taasoo xirnayd muddo ku dhow toban sano. Waddada ayaa u xirnayd sababo la xiriira dhinaca amniga maaddaama dhismayaal ku dhaw ay dagganayd safaaradda Qadar ee Muqdisho oo dhawaan halkaas ka guurtay.

Safaaradda Qadar kahor isla dhismayaashaasi waxa dagganaa safaaradda Turkiga kahor inta aanay iyana u guurin dhismaheeda weyn ee saaran badweynta Hindiya ee degmada Cabdicasiis.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa soo dhaweeyay dib u furista waddadan oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo uu ciriiri badan ka jiray sanadihii ugu dambeeyay kaddib markii la xiray waddooyin badan si loo baajiyo weerarrada Al-Shabaab ee loo adeegsado gawaarida qaraxyada lagu soo raro.