Taariikh Nololeedkii Fanaanad Baxsan.

Seynab Xaaji Cali Siigaale ” Baxsan” waxay ku dhalatay Deegaanka Baabuli 1930 ama 1934, oo Katirsan Deegaanka Howd oo hadda ethiopia ey gumeeysato. Naaneysta Baxsan waxaa u bixisay Guduuda Carwo oo ey is barteen 1952.
kadib markii Ingrisku ku wareejiyay Degaanka ogadeen Dowladii Ethiopia Sannadkii 1948, waxa ey ka mid aheyd dhaliyaradii ka dhiidhisay, waxaa uga sii Dareed Markii haddana uu Gobalka “Howd” oo ey ku dhalatay uu Ingrisku mar kale ku wareejiyay Ethiopia Sannadkii 1955. waxa ey tiri: ku hoos Nolaanmaayo isticmaar waxa ey na soo aaday Somali Land oo ey maqashay in ey xuruubi doonto 1960ka, kadibna markii ey midoobeen Labadii Gobal waxa ey soo Aaday koofurta.
kadibna waxay ka mid noqotay taageerayaashii Xooga Dalka. waxa eyna go’aansatay in ey ka qeyb qaadato Xureeynta qeybaha haray oo ey ka mid tahay Deegaankii ey ku dhalatay ee Baabuli – Howd . Dagaalkii Somalida iyo Ethiopia ee 1964tii, waxa ey Ciidamada ku guubaabineeysay Aaga hore ee Dagaalka, waqtigaan ma jirin Qalabka Muuqaalka ama Cod Duube Fudud, Kalin lama ilaabaan ah ayeey ka qaadatay Dagaalkaa, waana tan keentay in ey ka mid noqoto 5 tii Ruux Gen. Daud uu siiyo Billad Geesi Dagaal, muddo kadibna waxa ey qaadatay Bilad wadaninimo.
Muddadii ey jireen Dagaaladii Sukeeye Dalka Dibadda ugama bixin, waxay tagi jirtay Hargesa iyo Jabuti. waqtigii ey ka qeyb qaadatay Socdaalkii Nabadda waxay lug uga Jabtay Hotel Banarona Baser ee Magaalada Bosaaso. waxay mar kasta diidaneed in Fanaaninita lagu Aaso Dalka dibadiisa. Baxsan waxa ey ku geeriyooday Mogadishu19/10/ 2020.
Dood ayaa ka taagan hab Maamuuska Aaskeedii. Inkasta oo Qof waliba Camalkeedii ka horeeyo. Haddana sidii la filayay uma dhicin, Badanaa waxaan aragnaa Aas Siyaasadeed loo sameeyo Madaxda Dalka oo aan ognahay in qaar Badan ey Dambi ka galeen Dalka. Waxaa badanaa ka qeyb galo Madax kale oo iyaguna og in ey la mid yihiin Dambiilayaashaa, ama Taageera Siyaasadeed ka rabo Marxuum khaa’in qooyskiisa.
Sababta aan Aas Qaran loogu sameeyn ayaa Dadka qaar ku sheegaan, in aan lagu sii shaacin waqtiga Aaska Idaacadda Qaranka, wadooyinka oo xirnaa, Madaxda oo ka cabsaneysay Nabadgalyo xumida Magaalada, Ethiopian oo u arkeeysay Baxsan Cadaw weyn oo La dagaalanka Ethiopia ku qaadatay Billad Geesi, Madaxda oo Badanaa xiriir fiican la leh Ethiopia in ey ka baqeen in ey Amxaaradu ka carooto, ama lagu Amray in ey sidaa yeelaan. iyo Arragtiyo kale.
Alla ha u naxariistee Baxsan, Annigu weligeey ma arag, mana aheyn Dadka Heesaha xiiseeyo, mana Gali jirin Tiyaatarka waqtiga Riwaayadaha, badanaa Sababo dhaqaale Dartood.
FG: wixii ka dhiman ku dar, wixii aan khaldayna iga sax.
Qore: Yahya Amir