Real Madrid oo uga adkaatay 3-1 Kooxda Barcelona, islamarkaana sii dheerasatay Hogaanka Horyaalka.

Real Madrid ayaa ku soo laabatay wadada guusha waxa ayna 3/1 uga talaabsadeen Barceloan ka dib ciyaar xaraarad laheyd.

Ka dib ciyaar foojignan ku bilaabatay , Barcelona iyo Real ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah , waxaana ku horeysay Real Madrid

Xilli jawigaas ciyaarta ay ku baalabatay waliba aysan jirrin fursad xaqiiq ah inkastoo Barcelona dhaq dhaqaaq badneyd waxa ay Real heleen gool kedis ah ka dib baas sixir ah ee uu Benzema siiyay Valverde ayuu laacibkaas shabaqa dhigay daqiiqadii 5-aad

Balse waqti badan ma sii jirrin goolkaas , waxa ayna Barcelona dhaliyeen gool cajiib ah ee uu ka shaqeeyay Jordi Alba waxaana daqiiaddii 8-aad dhaliyay Anso Fati .

Inkastoo dhowr fursad ay isku abuureen labada koox , hadana Real waa ay nuglaayeen gool marka la eego daafacooda oo banaanka u soo baxayay waxaana ku adkaa in kubadda si sax ah afka hore Barcelona u soo gaarsiiyaan inkastoo dhamaadkii kubadda haysteen

Barcelona kulamaa kubadda ay ka baxdo cagtooda waxa ay ku wacnaayeen isku balaarinta garoonka iyo habka raacashada , waxa ayna ku nasteen min halkaas gool.

Soo laabashadii , Real waxa ay horay u soo giliyeen Lucas Vazquez oo loo saaray Sancho sababo la xariira jug uu dareemay , waxaana xusid mudan in biloowgaas Real iyaga ay ku badnaayeen maamulka kubadda .

Barcelona waa ay ku dhawaanayeen in ay booqdaan shabaqa Real waxaana daqiiqadihii 51 iyo 53-aad laba fursad gool loo turjumi karay qasaariyay Fati iyo Coutinho .

Ka dib kubad free Kick ee uu soo qaaday Kross waxa ay Real ku heleen rigoore ka dib markii Clement Lenglet uu funaanada ka jiiday Ramos , waxaana la maciin biday VAR ka dib waa la go`aamiyay waxaana laacibkaasna waxa uu qaatay kaarkka digniinta xiili rigooradaasna uu dhaliyay Ramos daqiiqadii63-aad

Ka hor goolkaas labaad , Barcelona iyaga ayaa dhaq dhaqaaqa wacnaa , waxa ayna ka dib labada koox sameynayeen isku dayo kala duwan , waxa ayna Real daqiiqadii 69-aad soo giliyeen Luka Modric oo loo saaray Federico Valverde.

Barca si waliba ayay isku dayo u sameynayeen balse Real waxa ay ciyaarayeen kubad deggan cagtoodana waa ay ku badneyd , sidaas oo ay tahay waa la filan karay goolal dheeraad ah

Barcelona waxa ay badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiqadii 82-aad , waxa ayna soo giliyeen Griezmann , Trincao iyo Ousmane Dembele oo loo saaray Fati , Busquets iyo Jordi Alba halka Realna soo giliyeen Rodrygo iyo Assensio.

Barcelona , dhamaadkii si wacan ayay u dhaq dhaqaaqayeen waliba goosha Real waa ay tagayeen xilli ay dagaal ugu jireen goolka bar bar dhaca xilli Real daqiiqadihii 85-aad iyo 86-aad laga bad baadiyay sedex fursad oo xaqiiq aha waxaa bad baadiyay goolhayaha Barcelona

Dhamaadkii , Barcelona si waliba ayay ciddiyaha ugu dagaalameen balse gool sedexaad ayaa loo raaciyay Luka Modric ayaa mid cajiib ah dhaliyay ka dib qalad dhanbka daafaca ah waxa uuna Modric ku ciyaaray goolhayaha oo banaanka u soo baxay xilli goolkaas uu dhashay  waqtigii dheeriga ciyaarta waxa ayna ku dhamaatay ciyaarta 3-1