Mucaaradka Jisiiradda Siishelis oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada dalkaas.

VICTORIA:– Musharraxa mucaaradka Siishelis Wavel Ramkalawan ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada isagoo helay 54.9 boqolkiiba codadkii saxda ahaa ee la dhiibtay, taas oo ka careysiisay madaxweynaha xilka haya Danny Faure.

“Waxaan cadeynayaa in Ramkalawan inuu yahay musharraxa la doortay,” ayuu yiri Gudoomiyaha Guddiga doorashada Danny Lucas Axadaa manta ah.

Codbixiyeyaasha Siishelis ayaa codkooda ka dhiibtay Sabtidii doorashooyinka madaxtinimada iyo baarlamaanka oo socday muddo saddex maalmood ah.

In ka badan 74,000 ayaa isdiiwaangaliyay si ay uga qeyb qaataan cod-bixinta doorashada.

Mucaaradka Siishelis ayaa si dirqi ah looga adkaaday doorashaadii dalkaasi lagu qabtay sannadkii 2015.

Tani ayaa uga dhigan mucaaradka guul taariikhi ah oo ay gaareen kaddib 40-sano oo uu dalkaasi xor ka yahay gumeystihii Ingiriiska.