Maxaa ka jira in Xildhibaan Jeesow iyo Cali Cosoble ay qoraallo isku weydaarsadeen Facebook;ka.

Muqdisho:– Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay ‘commenti ama aragti’ uu madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ka dhiibtay Post uu soo qoray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo deegaan ahaan Hiiraan ay ka soo wada jeedaan, kaas oo u muuqday su’aal.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sawir ay kula jiraan ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe waxa uu soo dhigay bartiisa, waxuuna ku soo dul qoray, “HirShabelle State waay dhismeeysaa, si Nabad ah, xasilnoon, Baarlamaan cusub guddoomiye cusub, madaxweyne cusub.”

Intaas kadib waxaa qeybta commentiga ama aragti dhiibashada su’aal u dhigneyd sidan ku soo weydiiyey Cali Cosoble Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, “Waxaan maqlay kursigaagii in Jubbaland la geeyey ee maxaa ka jira?”

 

Muqdisho (warkii.com) – Hadal-heyn badan ayaa ka dhalatay ‘commenti ama aragti’ uu madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ka dhiibtay Post uu soo qoray Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo deegaan ahaan Hiiraan ay ka soo wada jeedaan, kaas oo u muuqday su’aal.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa sawir ay kula jiraan ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe waxa uu soo dhigay bartiisa -ga, waxuuna ku soo dul qoray, “HirShabelle State waay dhismeeysaa, si Nabad ah, xasilnoon, Baarlamaan cusub guddoomiye cusub, madaxweyne cusub.”

Intaas kadib waxaa qeybta commentiga ama aragti dhiibashada su’aal u dhigneyd sidan ku soo weydiiyey Cali Cosoble Madaxweynihii hore ee Hir-Shabeelle, “Waxaan maqlay kursigaagii in Jubbaland la geeyey ee maxaa ka jira?”