Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo markii ugu horreysay lagu arkay deegaano ku yaalla Gobolka Sanaag.

Muqdisho:– Wararka laga helayo gobolka Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Maleeshiyaadka Al-Shaab ay gudaha u galeen deegaano hoos-yimaada degmada Laas-Qoray ee gobolkaasi.

Dadka deegaanka ah ayaa u sheegay Saxaafadda in deegaanadaasi ay ku arkeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay la waregeen deegaanada kala ah Mirici, Masha-caleed, Xabaasha Aw-Cali iyo Markeet, kuwaas ku yaalla duleedka Laas-Qoray.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in deegaanadaasi ay howl-gallo ka sameeyeen, gaar ahaan halka loo yaqaano Gurya-Samo oo u dhexeeya degmooyinka Badhan iyo Laas-Qoray ee gobolka Sanaag.

Xaaladda ayaa haatan u kacsan, iyadoona dadka deegaanka ay cabsi xoogan ka muujinayaan in dagaal culus uu ka qaraxo halkaasi.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay madaxda maamullada Somaliland iyo Puntland oo in muddo ah isku haya gacanta ku heynta gobolka Sanaag.

Dhanka kale Lama oga u jeedka ka dambeeye in Al-Shabaab ay u wareegaan waqooyiga Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Sanaag oo fariisimo ku leeyihiin ciidamada Somaliland iyo kuwa Puntland oo marar badan ku dagaalamay gobolkaasi.