Dowladda Soomaaliya oo u diraysa Gobolada Dalka Wafdi soo qiimeeya Amniga Gobolada Dalka.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa lagu wadaa inay qaar ka mid ah gobolada dalka ka bilaabaan kormeer la xiriira dhanka Amniga.

Wafdiga oo safarkooda ugu horeeya ku tagaya Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay kormeer ku tegi doonaan Xarumaha loogu talo galay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaannada labada Aqal, iyaga oo qiimeyn ku sameyn doona sida loogu diyaar garoobay & howlaha Amniga ee ka socda.

Wafdiga Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug, iyaga oo kala hadli doona sidii loo dardar gelin lahaa sugida Amniga inta ay socdaan howlaha doorashooyinka.

Dhanka kale wafdiga ayaa waxaa ay tegi doonaan degaano kale oo ka tirsan Maamul goboleedyada si ay qiimeyn ugu sameeyaan diyaar garoowga dhinaca Amniga ee doorashooyinka.